WAXAA MAANTA LA DHAGAX DHIGAY XARUUNTA DARYEELKA AGOONTA EE SHEEQ C/CASIIS..
Jawiil, Khamiis, 30 june, 2011 Waxaa Maanta oo taariikhdu tahay 30 june, 2011, la dhagax dhigay Xarun cusub oo la magac baxday XARUUNTA DARYEELKA AGOONTA EE SHEEQ C/CASIIS. Waxaana loogu magacdaray Sheikh Abdicasiis Sheekh Bashiir Oo ay gacan ka xaqdaran ku dishay 2 sano kahor asagoo kasoo baxay salaadda Taraawiixda ee bishii ramadaan, Degmada Yaaqshiid. Shiikha oo ahaan jiray qof looga bartay garabqabashada dadka tabaaleysan, iyo u gargaaridooda, si loosii wado kheyrkii uu jeclaay ayaa xaruntaan loo furay. Xaruntaan cusub waxay qeyb ka tahay mashaariic laga wado degmadda Jawiil, taas oo loogu talagalay ka qeyb qaadashada Hormarinta iyo kor uqaadista waxbarashada Agoonta iyo caruurta aanan helin daryeelkii ay u baahnaayeen. Waxaa ka soo qeyb galay Dagaxdhigga xarunta cusub, Maamulka Degmada Jawiil, wax garad kala duwan, aqooyahan, culumo iyo qeybha kala duwan degmadda. Gudoomiyaha Degmadda Cabdi Macalin Aadan oo fagaaraha dhaxdhiga xarunta ka hadlay ayaa sheegay “Waxaan soo dhaweynayaa una mahadcelinayaa dadka ka damqaday Agoonta ku dayacan degmadda iyo caruurta aan helin daryeelkii loo baahnaa ee dagmadda ku nool..” wuxuu hadalkiisa kusii daray Gudoomiyaha in ay soo dhaweynayaan cid allaale iyo cidii ka qeyb qaadanaysa hormarinta Degmada iyo adeegyadeeda guud. Degmada oo uu ku tilaamay in ay ku taal halbowlaha isku xira goboladda dalka, loona baahan yahay in isbedel ay degmada ka sameyso dhanka adeegyada dadweynaha iyo bilicda guud ee degmada. Mashruucaan oo ka kooban labo qeybood oo kala ah dhimaha, qalabeynta iyo daryeelka caruurta agoonta. Waxaa maalgalinaya labo ka midda qurbo joogta degmada oo kala ah C/LAAHI OSMAN AHMED IYO HABIIBA HASSAN MURSAL. Sidoo kale waxay Labaduba ku noolyihiin Dalka Canadda magaalada Edmonton AB. Waxaa xusid mudan in labadooda ay ka damqadeen daryeel la’aanta heysata agoonta degmadda ku nool, ayna go’aansadeen in ay wax ka huraan maalkooda. Mar aan la xariiray C/laahi Osmaan waxaa uu noo sheegay “In ay tahay bilow aan ugu talagalnay in aan wax ugu qabano agoonta ku dayacan degmadda iyo guud ahaan Gobolka hiiraan.. waxaana inoo xigi doona kfaalo aan siin doono 30 caruur ah oo aanu ku bilaabeyno xarunta.. sidoo kale aan sii kobcin doono tiradda ardayda agoonta ee xaruntu darlyeeli doonto marba sidii awoodu ay noqoto.. mustaqbalka Fogna aynu ka damacsanahay inuu mashrucaan daryeelka agoonta oo xarun dhexe u noqdo gaar ahaan Gobolka Hiiiraan, guud ahaana Goboladda dhexe..” C/laahi oo hadalkiisa ku dheeraaday ayaa sheegay in ay iska kaashanayaan maalgalinta xarunta Jawiil asaga iyo Xabiibo Xasan Mursal, wuxuuna sidoo kale soo dhaweynayaa cid kastoo ka qeybqaadaneysa mashruucaan daryeelka agoonta. Mashruucaan oo qeyb ka ah mashaariic horimarineed oo Degamda ka socda oo ay u istaageen Jaaliyadda Degmadda Jawiil ee qurbo joogta. Sidoo kale waxaa u mahadceliyey Gudoomiyaha Guud ee qurbo joogta Degmadda Jawiil Dr. yahye oo ku amaanay una mahadceliyey cabdullaahi iyo xabiibo sida joogtada ah ay markasta ooga damqadaan hormarin la’aanta ka jirta Degmadda iyo sida muuqadda ay u horkacayaan mashaariicda bilowga ah ee socota. Isku soo wada duuboo mashruucaan oo qeyb ka ah mashaariic lagu wado in Degmada lagu hormariyo ayaa sifiican looga soo dhaweeyey Degmadda Jawiil. Axmed Cali Wariye Madax banaan Axmedcali1@gmail.com Degmadda Jawiil, Hiiraan 








del.icio.us
Digg
by mahamed handheege
Post your comment