Home | Maqaaladda | Tiknolojiyadda | Fadhiga badan ee Facebook oo lala xiriirinayo cudurro laayaan ah..! ''Waxaa ka fiican fa’dii qur’aan, faduusha taalla facefaqiir'' + sawiro

Fadhiga badan ee Facebook oo lala xiriirinayo cudurro laayaan ah..! ''Waxaa ka fiican fa’dii qur’aan, faduusha taalla facefaqiir'' + sawiro

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Thursday, June 02, 2011

Fadhiga badan ee Facebook oo lala xiriirinayo cudurro laayaan ah..! ''Waxaa ka fiican fa’dii qur’aan, faduusha taalla facefaqiir'' (Shirib jacbur ah)

Shabakaadka bulshada sida facebook ayaa la sheegay inuu sare u qaadi karo dhibaatooyinka caafimaad ee qofka soo wajaha taasoo wax laga saarayo hoos u dhaca ku yimaada kulamadii weji ka wejiga ahaa oo yaraada..maadaama uu qofku doorbido inuu fariin u diro qofka jaalkiisa ah halkii uu kala kulmi lahaa, taasoo keenta saameyn jireed iyo mid nafsadeed sida uu qabo Dr Aric Sigman oo arinta dabagal iyo daraasad caafimaad ku sameeyey.

Tusaale ahaan inuu qofku bulshada ka go’doomo ayaa bedeleysa qaabka uu u shaqeeyo baaq-sidaha (hida-sidka) qofku, taasoo wiiqda jawaabihii difaaca jirka, heerarka dheecaanka hoormoonada oo is dardar ku yimaado, halboowlayaasha oo saaxi u shaqeeyn waaya iyo iyadoo uu daciifo ama uu hoos u dhoco bandhigii shaqo ee maskaxdu.

Arintan ayaa sidoo kale kordhin karta inuu qofku qaado cudurro halis ah sida Kansarka ama kaankarada, shalalka (Stroke), cudurada wadnaha iyo Dementia oo ah caabuq keena inay maskaxdu gabto shaqadii rasmiga ahayd sida xusuusta, fikirka, luuqada, go’aanka iyo hab dhaqanka. Sida uu Dr Sigman oo Biologist ihi u sheegay The journal of the institute of Biology.

Kulamadii iyo waqtiyadii ay bulshadu isula qaadan jireen si fool ka fool ah ayaa si wayn hoos ugu dhacay tan iyo sanadii 1987-kii oo ku beegnayd xilligii ay kacaantay warbaahinta elektarooniga ihi (Electronic media).

Shabakaadka Bulshada sida facebook, MySpace, Twitter iwm ayaa dadka u suurageliyay inay ku xiriiraan barta internet-ka, iyagoo is dhaafsada sawirro, fariimo, muuqaalo iyo waxyaabo kale oo sharaxaya akhbaar ku tacaluqda sida ay maalintoodu u socoto.

Laakiin waloow shabakaadkan la sheego in loo naqshadeeyey isu soo dhoweeynta iyo isku xirka dadka ku daadsan daafaha dunida wuxuu Dr Sigman ku doodayaa inay taa bidaalkeeda door ka ciyaaraan inay dadku kala go’doomaan.

In qof ahaan la isu arka waxay saameysaa jawaabta jir ahaaneed ee ka imanaysa qofka sida uu tibaaxayo Dr Sigman isagoo sharaxaya in hoormoonnada ‘Cuddle chemical’ ama Oxytocin oo sidoo kale lagu naanayso ‘Love harmone’ oo adkeeya dabarrada xiriirku ay isla bedelaan hadba isla jooga iyo kala dheeraanta dadka. ´´Waxaa muuqata in aalaaba farqi u dhexeeyo ‘isla joogis dhab ah’ iyo mid macmal ah’’ ayuu raaciyay Dr Sigman.

Dhanka kale qaar ka tirsan taxa hida-sidka qofka gaar ahaan kuwa la shaqeeya habdhiska daafaca jirka iyo jawaabaha isku buuqa nafsaaniga ah (stress) ayaa hadba u falceliya si waafaqsan ama ku xiran xadiga uu la egyahay galaangalka uu qofkani la leeyahay bulshada inteeda kale. ‘´Shabakaadka isku xirka bulshadu waxay ahayd inay qurxiyaan hanaanka nololeed ee bulshadan casriga ah, laakiin waxaa inoo soo baxaya wax taa aad uga duwan’’ ayuu yiri Dr Aric Sigman.

Facebook iyo shabakaadka kale ee la halmaala ayaa sidoo kale fara ba’an ku haya wax soo saarka qofeed ee gaarka ah sida shaqa tegista, waxbarashada, dhisitaanka iyo joogteynta qoyska iwm, maalin kale ayaynuse eegi doonaa mawaadiicdaasi hadii Alle ka dhigo.

Hadaba aynu markan eegno shirib jacbur ah oo ku xiriirsan facebook oo aan isku tuurtuureyno anigoo ah Maxamed Xaaji iyo sxbkeey Idriis Xaaji Maxamuud Faarax waxaan ka cudur daaraneynaa inay bahda wax ka taqaanaa suugaantu ay noo cudurdaaraan maadaama aynaan ahayn shiribtooy caadi ah.


Idriis Xaaji: Facebook waa furihi fataalidoo, Fariidba maaha nimaan furayn. 

M. Xaaji: Ninkii la fiijey xoow fadhaa,  Naagtii furtayna fb ka faag.

Idriis Xaaji: Faqri aduunya fikir la’aan, Facebook waa looga faashadaa.

M. Xaaji: Wixii fidnaaahu waa feer kalee, Facebuuga xaa ku faraqnimaa.

Idriis Xaaji: Minaad fayoobi fiirihee, Ka foojingaaw Facebook agtiis.

M. Xaaji: Ninkaan fikir lahaynoo fool gamboon, Hayska furto facefitnaa

Idriis Xaaji: Minaadan ku fiidsan fiid gashoow, Waxaad fishaahu waa fadhiid

M. Xaaji: iskaga fiidso fiid gashoow, Faradkana ka sii fogaaw

Idriis Xaaji: Faradkana ka fiigi maa, Facebookna waa ku fiidsahaa

M. Xaaji: Facebook ku jirya farad  ilaah, In lakala fogeeyo waa fariid

Idriis Xaaji: Faradku waa fartii janaad, Facebookse waa fasahaad qarsoon

M. Xaaji: Waa hubaa inow fasahaad  yehee, Inaad ka fasaqataan rabaa

Idriis Xaaji: Minii fariend  wax i faraa, Fartaad kufiiqday wixii falsoon

M. Xaaji: Waxaa ka fiican fa’dii qur’aan, faduusha taalla facefaqiir

Idriis Xaaji: Wixii fiicanba anmaa fahmaa, Foodleeyaa i fuuqsatee

M. Xaaji: Ninkaan fariin bartiis leheeyn, foodleydu waaba fuuqsataa

Idriis Xaaji: Foodleeydu maaha faay gabdheed, ee waa foorshoowga facefaqiir

M. Xaaji: Fartaa iiga taagan facefaqiir, ee Faarax iiga faaliyaan rabaa

Idriis Xaaji: Fartaad ka taagtey facefaqiir, anna waa ka faanay fadhigiis

Ugu dambeeyntii guji mareegtan si aad uga bogato warbixin aan ka sameeyey internetka iyo adeegsigiisa oo aan cinwaan uga dhigay ´´INTERNET-KA BALWAD AHAAN MALLOO QABATIMAA’’.

Inta ka daawo Clip ku saabsan Facebooka

 

Mahadcelin: Idriis Xaaji Maxamuud Faarax

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Boosto-Koronto:-maxaaji@gmail.com

Gothenburg, Sweden

Xigasho: Somaliweyn.com

 

 

Person on computer addicted to Facebook

 

A Woman Using Facebook For Entertainment

 

Facebook Fan

Man Walking Into A Wall

 

http://jimbocyberdoc.files.wordpress.com/2011/05/6a00d834517b5669e200e54f3e6abc8834-800wi.jpg

N1082970088_30358229_5735236

Subscribe to comments feed Comments (1327 posted):

Ally on 10/07/2011 10:15:09
avatar
Glad I've finally found smotehing I agree with!
Thumbs Up Thumbs Down
0
Essence on 11/07/2011 14:07:37
avatar
That's going to make tnhigs a lot easier from here on out.
Thumbs Up Thumbs Down
0
Torie on 01/10/2011 22:07:23
avatar
I just hope whoever wriets these keeps writing more!
Thumbs Up Thumbs Down
0
Graceland on 04/10/2011 03:32:02
avatar
THX that's a great awsenr!
Thumbs Up Thumbs Down
0
zrtaywxgca on 07/12/2011 08:53:54
avatar
e1jK1i <a href="http://dslriskhmrko.com/">dslriskhmrko</a>, [url=http://eatlpfnvyuzg.com/]eatlpfnvyuzg[/url], [link=http://hjnjejcbbcvn.com/]hjnjejcbbcvn[/link], http://syqwflqhbqdr.com/
Thumbs Up Thumbs Down
0
over the counter viagra on 11/12/2011 18:37:09
avatar
f, 244057 cafergot.com, buy pfizer viagra, cialis levitra viagra vs, elimite http, get propecia cheap, generic levitra,
Thumbs Up Thumbs Down
0
levitra on 11/12/2011 22:17:37
avatar
b, 244057 diflucan and breastfeeding, ergotamine tartrate, viagra, erythromycin online, buy plavix online, levitra 20 pills, side effects of zithromax, propecia, cialis, cialis forum, over the counter viagra, clomid, levitra.com, diflucan.com,,
Thumbs Up Thumbs Down
0
diflucan yeast infection on 12/12/2011 02:02:43
avatar
a, 244057 diflucan, viagra super active 30 pills, buy levitra, low cost viagra, cialis levitra, propecia.com, cialis, seroquel online, levitra vardenafil, ciprofloxacin, acomplia 120 pills, prednisolone, cheap levitra,
Thumbs Up Thumbs Down
0
clomid on 12/12/2011 05:49:15
avatar
a, 244057 diflucan discount, sumycin 250, viagra.com, zithromax, viagra oder online, propecia online prescription, viagra, buy clomid cheap, seroquel and autism, when take acomplia, online diflucan prescription,
Thumbs Up Thumbs Down
0
seroquel song on 12/12/2011 09:37:05
avatar
d, 244057 cialis, buy viagra, order levitra, zithromax, allopurinol.com, celebrex.com, seroquel, cipro, acomplia pill, prednisolone, buy diflucan 1,
Thumbs Up Thumbs Down
0
1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 next total: 1327 | displaying: 1 - 10

Post your comment comment

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Tags
No tags for this article
Rate this article
0