Home | Maqaaladda | Siyaasadda | Warmaha Sh Aadan Tuurayaa waa wax ula jeedo!

Warmaha Sh Aadan Tuurayaa waa wax ula jeedo!

Font size: Decrease font Enlarge font

 

Aanba iraahdo Sh Aadan Siiro anoon Jecleyn inaan wax ka dhimo Xaq ama Sifo uu leeyahay, waxaase iga yaabiyay Dhiiranaantiisa iyo Arxandarada ka muuqata maruu isla jaljaleecinayay Mikarofonka asagoo Ciidda Fidriga Khudbo jeedinayay ama Jimcihii xigay, waxaaa dad badan isweydiinayaan intee Damiirkiisii iyo Diinkiisii iyo Dadnimadiisii ku dhinteen? Arxan darada Intaas la eg miyaa Dad Diin Islaam ku abtirsada ku jirta?, Caro intaas gaartay miyaa Nin labis Culimo leh dad Gaajo u dhimanaya wax lagu sadaqeestay ka muujiynaaa?  inteese Diinta Daliil uga helay inuu sheegto inay Xaraan tahay in loo gargaaro Soomaliya Masaakiinta Gaajada u dhamaneysa ee Gaal iyo Muslimba ka dhiidhiyeen?.


Sh Adan waxaa muuqata hadalkan iyo Doodan uu ka kiciyay Maalinkii Ciida iyo Jicaha Xigayba waxaa uu ka  leeyahay ula jeedo kale iyo iska horkeen Dowlad iyo Shacabka Somaliland, waxaana arintaas muujinaya Khudbooyinkiisii soo jireenka ahaa ee Xambaarsanaa Dhinbilaha Dabka ah iyo Fidnida asagoo si gaar ah ula beegta Khudba kasta inuu Falanqeeyo Siyaasada  Madaxweyne Siiraanyo asagoo ay ka muuqato inuusan marna ku farxin guushii uu ku gaaray Hogaaminta  Somaliland, waxaanan ka aqriyay jaraa’id kasoo baxa Magaalada Hargeysa mudo Shan bil laga joogo inuu ku Eedeyay Dwlada Siilaanyo inuu gacan saar la leeyahay kooxaha loo yaqaan Argagixisada taasoo uu ula jeeday inuu iska hor keeno Maamulka Somaliland iyo Dowlada Itoobiya, marka waxaa muuqata Sh Adan dantiisa waa inuu dhabar jabiyo Siyaasada Dowlada Siilaanyo hadey Arimaha Gudaha tahay iyo hadey Arimaha Debada tahayba.


Marka labaad waxan ugu baaqayaa inta Iimaanka iyo Insaannimada ku hartay ee Dagan Somaliland ama afka Soomaliga ku hadasha ee Muslimiinta ah qodabadan soo socda.

1-      Marka koowaad u kalmeynta dadka Koonfurta Soomaliya ku dhamaanaya waa tii Rabi jano looga rajeyn lahaa Ajarna lagu Doonan lahaa waxaa Daliil ah Axaadiistan soo socoto:

Waxa uu nabiga Xadiis saxiix ah uga Sheekeeyay Umadihii hore waxaa jiray Naag Zaaniyad aheyd oo wax wanaag ah aan sameyn .. Maalin ayadoo socota ayhay haraaday waxay dhex gashay Ceel si ay biyo uga Cabto markii ay kasoo baxday Ceelkii ayay aragtay Eey Haraad dartii la Cunaya Ciidii Ceelka hareertiisa Biyaha gaareen inta ay ka Naxday haraadka Eeyga haya ayay Ceelkii ku laabatay oo Kobteedii biyo ugu soo qaaday Eeygiina waraabisay, arintaas darteed ayuu Nabiga Raxmada badan ku Sheegay Raxmada ay Eeyga ay u muujisay aawadeed inuu Allaah haweyneydaas ugu Naxariistay oo Dembigeediina ku Dhaafay Jano ku geeyay, waxaa kaloo la yaab leh xasuusina mudan waxa ay wax siisay waa Eey, waxa ay ku siisayna waa kab, waxaana lagu Abaal mariyay Dembi Dhaaf iyo Jano, bal ka warama waxa hada Sadaqada la siiyay waa Dad, hadana Muslimiin ah, hadana Ehel ah dhan kasta ama Nasab ama Xidid intaba kula wadaaga maxaa Alle looga rajeynayaa?!

Arintaas waxay Daliil u tahay Ruuxii naf Go’eysa nooleeya ee badbaadiya inuu Ajar weyn leeyahay Xayawaanba ha ahaado waxa uu badbadbaadiyay, Allaahna waxaa uu Quraanka ku Sheegay: [Cidii nooleysa Nafna waxay la mid tahay isagoo Nooleeyay dadkoo dhan].


2-      Dadka Dhamaanaya waa Dad Muslimiin ah Muslimiintana waa waloolo Dhamaantood waxaana intaas usii Dheer waa Dad dadkii ugu dhawaa Dadka ku Nool Soomaliland ama Hargeysa gaar in ay Caawiyaan waa Waajib Sharci ah waxaana u Daliila Daliilada soo socda:

Waxaa uu Allaah Quraanka ku Sheegay in dad Mu’miniinta ahi Waloolo yihiin sida ku Cad Suurada Al-Xujuraat Aayadeeda:

Waxaa kaloo Nabiga Suuban xadiis Saxiix ah ku Sheegay in ay jir Qura isu yihiin Muslimiinta oo haduu Jirku Xubin ka mid ah Bukooda sida Caadada ah waxaa la Bukooda jirka oo dhan sidaas ooo kalana Hadii Muslim Xanuun iyo Dhibaato soo gaarto waxaa la xanuunsada oo ka Murga Dhibtiisa Muslim kasta.


Dhanka kalana Dad ku wada hadla Afka Soomaliga waxaa ka dhaxeeya wax aan ka dhaxeyn dadyoyga kale ee Caalamka hadey tahay Nasabkii Dhalashada iyo hadey ama Xididnimo waayo waa dhamaantood waa Abti iyo Adeer, waxayna isku leeyhiin Xuquuqo ka sii Dheeraada Xaqii Diinka, arintaasoo sababeysa inay si gaar ah isugu Damqadaan isna Caawiyaan Xiliga Dhibaatada, Allaahna waxaa uu Quraanka ku leeyahay: [Ka Dhowrsada Eebihiina  aad wax isku warsataan iyo Qaraabada, Eebana wuxuu yahay Korkiina ilaaliye]

Nabiga raxmada Badan waxaad Ogtihiin inuu Maalin Malmaha ka mid ah Arkay Duruufeysan oo Reer Mudar ah oo Goyaal huwan Dhar iyo Cuno toona aan heysan, arintaasoo uu aad uga naxay Nabiga raxmad darteed Wejigiisa la Doorsoontay asagoo ku Murugeysan Dhibaatada Dadkaas Muslimiinta ah ku Dhacday, markaa ayuu Muslimiintii Faray in la Caawiyo Dadkaas taasoo ay Muslimiintii kaliftay inay ku tartamaan caawinta Masaakiintaas Dhibaatada ku habsatay.


Marka waxan leeyahay Soomaali oo dhan waxay isu yihiin Jigjiga, wajeer, D’Jabuti, Hargeysa, Boosaaso iyo Muqdisho meel ay Caalamka ka joogaanba wixii Nabiga Reer Mudar u ahaayeen, waxay kaloo isu yihiin waxii ay Nabiga Suuban Reer Masar u ahaayeen, waxaad Xasuusataan Markii uu Nabiga Noolaa waxa uu Muslimiinta ugu Bishaareeyay inay Guulo badan gaari  doonaan Dhul badana Gacantooda Hoos Imaan doono, Dhulkaas oo uu Tilmaan ka bixiyay nooca Lacagta ah ee laga Isticmaalo asagoo faray dadkaas in loo Raxmado lana Xil dhowqro asagoo yiri waxay igu leeyhiin: {Nasab iyo Xidid} Bukhaari oo wariyay xadiiskan waxaa uu Cinwaan uga dhigay inay kuwa Qarabada ah kheyrka ay heestaan wax ka siiyaan Qaraabadooda, waxaana ay Culimadaa yiraahdeen waxaa soo wada galaya Nasan iyo Xidid inta kula ehel ah ruuxa.

Marka Xigtana Dadka ku nool ama Maamulka ka jira Soomaliland 600kun ma Malaayiinba d Doolarba hadii ay siiyeen Masaakiin iyo Dad gaajo u dhimanaya maxay hantidooda u dhintay maxaase ka soo gaaraya oo dhibaata ah?.


Hadii aan su’aashaas ka Jawaabo Somalilan waxba uma dhinto 600 kun iyo Malaayiin Doolar oo ay sadaqo ahaan u bixieen, waxaaba la hubaa inay ka faaiidi doonaan afar jeerba marka hore Alle agtiisa waxay u tahay Ajar iyo xasano ay geesteen taasaanaba ku filan, marka labaadna Sadaqada Maalkooda ma Nusqaamin ee Maalka ayaa ku barakakooba, marka sadaxaadna  sadaqadu waxay kla badbaadisaa Dadka la baxay Balaayo iyo Dhibaato kusoo fool laheyd, Marka Afaraadna waxa aad Sadaqada siiseen waa dad Insaan ah amaba Muslim ah amaba Qaraabo aha oo waxaa imaan karta Maalin ayagana markooda loo baahdo ileen waa Aduune oo waa galad walaal la gashaday iyo Ixsaan loo hormarsaday Dadkuna waa isu Abaal gudaaye!


1-      Boowdada Markii aan ka Jabay, Boqonka Taagtiisa.

2-      Habeenkiiba wey Bidhan lahaa, Bahalki Cawlaaye

3-      Ragii Buurta Dheer igala baxay, Beerka ka Ogsooni

4-      Bah Cilaamo goortey Dhamaan, Iga Dul Booyeysay

5-      Bah Sadheyna Baga inay I tiri, Beerka ka Ogsooni

6-      Ninkii Burunji inuu igu Cunaa, Ii Bariidinayay.

7-      Ee aan bar kale ii tareyn, Beerka ka Ogsooni.

8-      Ninkii Balad Shiheeye iga jiray, ee soona Bixi waayay.

9-      Ee inaan bogsadaa Jeclaa, Beerka ka Ogsooni.

10-   Lexaad waa Badhaadhee, haduu ii Bogsadao Xoogu.

11-   Hadii uu Biixiyaha Eebahey, isugu key Beego.

12-   Abaal Badh ah, Abaal Bur ah, Abaal Bur iyo dheeraad ah.

13-   Ninba Kiisa kaan ugu Badli, Beerka ka Ogsooni!


Gunaanad: Dooda garadarada ah iyo Shubahad uu daliilada u raadsanayo Sh Adan waa wax ula jeedo, marka koowaade dan siyaasadeed ayuu ka leeyahay ee sadaqada dan kama laha , marka labaadna waa Dood gaf iyo Xaqdara ah waayo Shareecada waxaa ka buuxa Daliilo badan iyo Nusuus fara badan oo muujinaya Ruuxa inuu asagoo baahan walaal kale oo ka baahi badan wax u door bidi karo waa haduu Diin dank a leeyahay, sida inuu Nin saxaabada ka mid ahuu caruurtiisa seexiyay markii uu Ogaady in Cunada Reerka u taala aysan wada deeqin Marti iyo caruurtiisa si uu Martidiisa u sooro Aqalkiisiina  Mugdi yuu ka dhigay si martigu ugu qaato in lala Cunaya Cunada taasoo uu Nabiga aad ugu farxay markii loo waxyooday waxa ay sameeyeen Qoyskaas!.

Waxaanan Allaah ka baryayaa inuu xaqa kuwa ku dhagan oo hawada aan raacin naga dhigo iyo in  Sh Adan inuu Siirada fahamsiiyo  Fidnadiisana ka ilaaliyo Guud ahaan Soomali gaar ahaan dadka ku nool Somaliland.

W/Q: Asad Cali Axmad

asadcnx@hotmail.com

Subscribe to comments feed Comments (89 posted):

on 14/09/2011 10:07:59
avatar
QORAHA WAA MAHADSANTAHAY LAKIIN HAL NIN MAXUMO OO DADKA BADANKISA AYAA XUN OO WANAGA DIID AH IYO KUWA DHEGESTO AMA TAGERO SOMALIA DADKA MASAKINTA WAA LADULMIYAA BOOB DHAC NABADGELYO XUMO DHIGODA IN LAXALALSADO OO WAXAD ARAGTAA HORUMAR NABADGELYO SINAAN CADALO XURIYAD DAD BAHI HESO CUNTADII LOGU DEQEY LASII LAHAY BAA XABAD LOGU FUREY WAXII DEG WABERI KA DHECEY NIN KA DEGMADA MADEXDA KA EH WAXUU YERI DADKAAN BAHI BEYBA UDHIMANEYEEN HADII ISKERI QORI XABADO BAAS AH UGU FAKETEY DADBADAN KU DHINTEEN HOREBA GAJO MACLUUL UGU DHIMANLAHEYEEN EE XEYDHIBTEE HADEY XABAD KU FAKETEY UMADAN WAA LOO TASHTEY IYADOO XUMANTA LAGU QARINAYO LANGAAB REER CAWANIIN JAHLIIN SHEYATIIN JINI WAL INSI QALBADA NACALAD RABI KU DHECDEY CADALADII XUMAAN IYO WANAAG KALA SARI WAYEEN
Thumbs Up Thumbs Down
0
on 14/09/2011 10:14:48
avatar
WAXAD ARAGTAA DADKA MASAKIINTA AH MEL WALBA WAA KU DULMANYAHIIN 4.5 XAQUUQ MA UHEYSTAAN XURIYAD NABADGELYO CADALO SINAAN HORUMAR OO MASAKINTA WALA DHIBATEYAA HABA IBIYAAN CANBO AMA MOOS YAANYO IYADOO LAL DABATAGANYAHAY QURUFAD JAHLI LAYANFAC REERLANDHERE BAN NAHMENEY DADKAN KA SHEYATIIN JINI WAL INSI BADANAHAY OO IBLIIS BAAN UGU DHOWNAHAY OO KUFRI CAWAN SHIRKI CADALO XUMO NABADGELYO XUMO DHAQANXUMO DIINXUMO LAYANFAC JAHLI XAQIIQ DIID QAXOOTI MACLUUL SAXARIIR COLAAD DHAMAD LAHEEN QURUFAAD LAYANFAC
Thumbs Up Thumbs Down
0
on 14/09/2011 10:22:46
avatar
KUWAN 4.5 LASIYEY SIDA SOMALILAND BUNTILAND DADKA MASAKINTA WALAGA MASAFURIYAA WALAGU DHIBATEYAA OO XAQUQ AJANIB AMA DARIS MALAHA OO WAXII DHECO AMAAN DARO IYAGAA LOO XIRXIRAA LAA DHIBATEYAA MARKA MELWALBA DADKA MASAKINTAA WAA LOO TASHTEY KUWAAN CAWANTA DEVIL SATAN SHEYATIIN JINI WAL INSI LAYANFAC NASAB AMA SHEREF KARADINAYO DEVIL LAYANFAC CADALO DIID SINAAN DIIN SHERECO ISLAAM DIID HORUMARDIID XURIYAD INSAAN DIID HORUMAR DIID LAYANFAC JAHLI CAWAN LUGOYO QURUFAAD FOODO QALBADA DADKA KA QABSADO SHEYATIIN JINI WAL INSI LAKALA GARANWAYO XUMAAN IYO WANAAG XARAAN WAXALAAL ADUUN IYO AQIRO QASARO MUGDI JAHIL NACALAD RABI NOO DHERTAHAY
Thumbs Up Thumbs Down
0
Jamaal Soomali on 26/09/2011 18:19:46
avatar
Wadaadkan aad sheektay oo ka horyimi in la taageero ama macaawimo loo gaysto waxa ay ka mid tahay nasiib darooyinkii soo foodsaaray Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaliya inay dad badan oo ka soo jeeda gobollada Waqooyiga Soomaliya inay isu arkeen Qaran ama Dal. Sidaas darteed dad ku hadaaqo SomaliLand iyo kuwa ku hadaaqa dadyawga ku hadla Afsoomaliga. waxaanse idiinku Bishaaraynayaa in Soomaliya hagaagi doonto dhabtiina nin waliba u heli doono mudnaantiisa iyo abaalmarintiisa. Sida aad ogtihiin aafadii soo gaartay Soomaliya waa mid ay akhriyi doonaan Jiilalka dambe ee Soomaliyeed waxaana Soomalidu ku Maahmaahdaa ( LIBAAX NIN GANAY IYO NIN GALADAY KALA OGSOON). Soomali way ogtahay dagaalkii sokeeye iyo nasiibdaradii ku habsatay doorkii gobollada waqooyi ay ka qaateen inay tahay oo keliya inay aqal Soomali ku yaal burco inyay gurguurteen oo ay fariisten kuna dhawaaqeen SOMALILAND inta ay la yimaadaan geesinimo iyo Soomalinimo inay dhex fariistaan Soomali isuna keenaan. Waxaase Xassus aan la ilaawi karin mudan qaramada midoobay(UN) iyo reer EUROPE(EU) iyo USA oo yiri Soomali waa hal mana kala Go' karto diidyna aqoonsiga waxa la yiraahdo Somaliland.
Thumbs Up Thumbs Down
0
Satch on 02/10/2011 00:02:42
avatar
Haha, shouldn't you be charging for that kind of knwoledge?!
Thumbs Up Thumbs Down
0
Irais on 04/10/2011 03:30:53
avatar
This is way better than a brick & mortar etsblaishemnt.
Thumbs Up Thumbs Down
0
Curry30Kris on 13/10/2011 09:13:16
avatar
That is well known that cash makes us independent. But how to act if somebody has no cash? The one way is to get the <a href="http://goodfinance-blog.com/topics/business-loans">business loans</a> and financial loan.
Thumbs Up Thumbs Down
0
essays on 20/10/2011 16:34:52
avatar
Keep on going such direction and I trust that you will become well known, because some students custom term papers and the friends of mine are willing to fin out your site and great facts as essays.
Thumbs Up Thumbs Down
0
buy papers online on 22/10/2011 17:44:32
avatar
I think that you should pay for essay in order to dismiss your essay writing difficulties!
Thumbs Up Thumbs Down
0
Paper Writing on 22/10/2011 18:03:24
avatar
It is not complicated to enter the university. However, it can be much harder to manage writing assignments. You do not have to worry about it. The solution is right here. The Essay Writing Sample Writers can be your lost hope.
Thumbs Up Thumbs Down
0
1 2 3 4 5 6 7 8 9 next total: 89 | displaying: 1 - 10

Post your comment comment

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Tags
No tags for this article
Rate this article
0