Home | Maqaaladda | Siyaasadda | Sh-Adan Siirada lagu Magacaabay matii Nabigaa Mise tii….!

Sh-Adan Siirada lagu Magacaabay matii Nabigaa Mise tii….!

Font size: Decrease font Enlarge font

14/09/2011

Aaway Diinkii aaway Iimaankii aaway Ixsaankii aaway Deresnimadii aaway Soomli wixii ka dheexay Nasabnimo iyo Xididnimo ahaa aaway dadnimadii aaway Insaannimadii halkee looga yimid Culimada qaar ileen Masaakiin loo gargaaro ama gargaar in lees faro ama Naftaada oo baahan tan Walaal kale oo kaa baahi badan la eegaa loona door bidaa waa wax Macruuc ku ah Daliilada Shareecada mana aha wax uu Ruux muslim ah dood ka keeni karo Caamada ha ahaadee sidee Dad Diin ku hadlaya uga suurowdaa inay ka murmaan!.


Waxaase iga Su'aal ah Sh Aadan siiro Siirada Nabiga Suuban iyo Raxmadiisiiba  halkey ka mareen? Halkey martay Dahacdadii reer Muslimiin ah ayagoo dhibaataysan markii uu arkay Nabiga Murugo darteed Wajigiisu la doorsoomay Dhibaatada Reerkaas ka muuqatay aawadeen? Halkeyse ka martay Martidii Nabiga u timid ee uu reerihiisa uga heli waayay Cid u marti soorta wax yari Guryaha Nabiga ka jirtay aawgeed ilaa markii dambe uu Marti galiyay nin asagaba Caruurtiisa waxa uu siin lahaa kaliya gurigiisu yaaleen ee Xaaskiisii faray inay Caruurta Hurdiso si Martiga uu u sooro? Mise Siirada lagu magaabay Sheekaas ayaa Siiro kala ah?.


Hadalada Sh Aadan ka soo yeeray ama Ficilada ay sameeyaan Dadka qaar ayagoo dharkii Culimada xeran  waa hadalo iyo Ficilo kuwa Dadka Caamada ah ee Muslimiinta ah ka cararsiinaya Culimada kuna beeraya laabtooda in ay Necbeestaan, waayo waxaa  ka dhalanaya inay Lunto Xushmadii iyo kalsoonidii loo hayay Culimada iyo Kalimadaha ay ku wacyi galiyaan Bulshada.


Waxaa hada kahor dhacday waagii Boqortooyadii Islaamka ee ka jirtay Dhulkii loo yaqaan Ondolos [Isbeyta hada] in xiliyadii u dambeeyay ay soo baxeen dad wada sita Duubkii Boqorada iyo Kahliifiintii Muslimiinta asagoo mid walbana ka shaqeynaya Burburinta Dowladii weyneyd ee Ondolos ka dhisneyd, waxaa uuna mid kasta la baxay Magac Amiir Muslim inuu yahay waxuuna Xertay Labiskii Amiirada taasoo sahashay in dhamaantood ayagoo wada magacyo waa weyn dhulkii oo dhan laga soo eryay, waayahaas nin Culimada ka mid ahaa ayaa ka murgay xaaladaas waxaa uuna  ku gabyay Gabayay Ondolos inuu ku nacay fara badnida Dadka sita magaca Amiir ama Boqornimo ayagoo una qalmin magaca ay weyn oo ay naftooda ugu yeeraan, waxaa uuna ku shabihiyay kuwaas inay la mid yihiin Yaanyuur  isu muujineysa oo u boodeysa  in ay tahay sidii Aar Libaaxa oo kale, waxaan Qisadaas ula jeedaa inaan iraahdo: Culimada labiskeedu waa lawada sitaaye Dadku Culimo sax ah ma wada aha.!

 

Waxaanuga Tacsiyeeynayaa  inta afka Soomaliga ku hadasha meel ay joogtaba dhibaatada dhagahooda uu u geestay hadalka ka soo yeeray Sh Aadan siiri iyo Ficilada xun xun ee magaca Diinka dad sitaa Umada ku dhibaateynayaan, waxaanan leeyahay Diinka waa Sharaf iyo Xushmad weyn yahay Qof iyo Koox fal ay sameeyaan ama hadal ay ku hadlaan ee ka raali ahaada, Culimadana waa ka fara badan tahay kuwaas waxaan xasuusin mudan Gurmadka ay fidiyeen Maamulka Soomaliland iyo Culimadeeduba inuu mudan yahay in looga mahad celiyo lana yiraahdo Jazaakumul-laahu kheyran ayadoo aan loo dhag dhigeyn hadalada kasoo yeeray Sheekaas, waxaanan leeyahay Maamulka iyo Culimada Soomalilandba  idinka naf ahaantiina ka Digtoonaada Shiikhaas iyo hadalada Fidno kicinta ah Caadada u ah.


Mida kale ee xasuusinta mudan waa in Xaalada Abaarta eek a Taagan Koonfurta Soomaliya ay ka Dhiidhiyeen Insaanka Caalamka ku nool oo dhan Diinta uu doono ha aaminsanadee waxaana Xasuusin mudan waxaa ka mid ahaa Dadka Booqday Muqdisho fanaanad u Dhalatay dalka Mareykanka oo Naxdin aawadeed la ilmeeyeen Indhaheedii.. hadana ma aheyn Muslimad isakaba daa Shiikhnimee…., waxaa kaloo xasuusin Mudan wafdi Dowlada Qadar ka socday oo Booqday Xerada Dhadhaab Khudbad uu ka jeediyay Maalintii Nin Shiikh ahaa oo Qadar u Dhashay inuu yiri asagoo Baaq ka Dhex dirayay Xerada Qaxootiga: Umada Muslimka ahow waxaa Dhaawac gaaray Xubin Jirkiina ka mid ah oo Abaar Dhibaateysay..


Hadaba waxaan kusoo gabagabeynayaa hadiiba Caalamka oo dhan ku Muslim ah iyo ku aan Muslim aheynba la muroogoodeen dhibaatada Soomaliya waxaa ugu mudan inay la Murogoodaan inta Muslimta ah ee hadana Afka Soomaliga ku Hadla ha joogeen Hargeysa, Boosaaso, Dijabuti, Gaarisa, Jigjiga iyo daafaha Caalamka ayadoo si gaar ahna Culimada Masuuliyad u saran tahay.


W/Q: Asad Cali Axmad

asadcnx@hotmail.com

Subscribe to comments feed Comments (50 posted):

adan on 27/09/2011 21:40:24
avatar
aslamu lacalay kum walaal shiikh adan maxuu ku hadalay maadan noo sheegin
Thumbs Up Thumbs Down
0
Roseanna on 01/10/2011 10:21:12
avatar
Well I guess I don't have to spend the weeeknd figuring this one out!
Thumbs Up Thumbs Down
0
Kristabelle on 01/10/2011 13:07:46
avatar
Right on-this helped me sort tihgns right out.
Thumbs Up Thumbs Down
0
Caelyn on 03/10/2011 23:53:15
avatar
Boy that rlaely helps me the heck out.
Thumbs Up Thumbs Down
0
Gabrielle on 04/10/2011 00:25:23
avatar
Well put, sir, well put. I'll certnaliy make note of that.
Thumbs Up Thumbs Down
0
Caduqaadir on 21/11/2011 07:36:16
avatar
Marka hore asc marka xiga qora maqaal kaan waxaan weydinaya wamaxay waxa kuku kalifay qoraalkaan? Jawiil makaciisa ayaad adeegsanesa hadana waxaad qoreesa wax lala yaabo fadlan joo qiimadilga aad ku wadaan magacaan qaaliga ee jawiil uma arko dadka qoraaya wabseedkaan iney udhasheen maxaa yelay wa ey bah dilen
Thumbs Up Thumbs Down
0
custom essay writing services on 29/11/2011 11:50:56
avatar
Hey! I simply want to give a huge thumbs up for the good information you've gotten here on this post. I will probably be coming again to your blog for extra soon.
Thumbs Up Thumbs Down
0
paper writing service on 05/12/2011 15:16:28
avatar
Very good points you wrote here..Great stuffI think youve made some truly interesting points.Keep up the good work.Thanks for sharing this information. I really like your way of expressing the opinions and sharing the information
Thumbs Up Thumbs Down
0
resume writing service on 05/12/2011 15:17:06
avatar
Very good points you wrote here..Great stuffI think youve made some truly interesting points.Keep up the good work
Thumbs Up Thumbs Down
0
medical school personal statement on 16/12/2011 18:52:03
avatar
Just the thing I was looking for. Excellent informationa and given in the simplest yet effective ways possible. Good effort.
Thumbs Up Thumbs Down
0
1 2 3 4 5 next total: 50 | displaying: 1 - 10

Post your comment comment

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Tags
No tags for this article
Rate this article
0