Home | Maqaaladda | Ganacsiga iyo dhaqaalaha | Reerka waa Oomanyahay , Aroorna uma Maqna

Reerka waa Oomanyahay , Aroorna uma Maqna

Font size: Decrease font Enlarge font
image

 

Abaaruhu waxa ay caadi ka yihiin gacanka soomaaliyeed halka kuwo aad u daran ay isku badalaan Gaajo ( famine )  Toban sano kadib xurnimadii dalka 1970 waxaa dalka ku dhiftay abaartii la magacbaxday daba dheer oo qeybo badan oo dalka ka mid ah saameysay sida taariikhda Dalka  aan kasoo xigtay laakiin abaartaa marna ma isku badalin gaajo iyadoo dowladii xiligaa jirtay ay si aad ah u caawisay dadka iyadoo heegan gelisay shacbiga caawinaadii ka imaaneesay dunidana gaarsiisay meelihii looga baahnaa . Sidoo kale iyadii abaaro ay jireen 1992 ayey gaajo ku dhifatay gobalka Bay 300 000 oo qof ayaa u geeriyooday gaaajo iyadoo ay sabab u tahay siyaasad xumo iyo Dagaalo . marka laga tago abaarta daba dheer iyo tii 1992dii waxaa la sheegaa in soomaalida taariikhdeeda ay jireen abaaro duunyo iyo dadba galaaftay ka hor xurnimadii dalka tusaale ahaan waqtigii xaaraamo cunka loo bixiyay ee sayid maxamad cabdule xasan inkastoo hadana aan la heynin waqti ama taariikh sugan Hadana soomaalidu waxaa jiray siyaabo ay ula dagaalami jireen abaaraha iyo  gaajada ama ha noqoto in la is caawiyo ama ha noqoto in dunida caawinaad la weeydiisto ama in uu ilaaheey roob u daadiyo oo ay sidaa uga faa’ideystaan oo wax u beertaan Laakiin tan maantadan aynu joogno heysata dalka iyo dadka soomalida dabadheer wey ka darantahay oo sida wararka sugan ay sheegayaan waxey saameeysay 2.5 milyuun oo qof oo u kala qaxay kenya (Dadaab) , ethiopia iyo soomaaliya gudaheeda sida muqdisho .  

 

Aragti : maxaa ugu wacan abaarahan kusoo noq-noqday dalka soomaaliya ? 

Sababahu ugu wacan dhibaatadan abaarta waa kuwo badan oo isdul yaal yaal hadana waxaa loo kala qaadi karaa afar umuurood in ay yihiih waxyaabaha dhaliyay abaaraha soo laablaabta ee ku dhaca geeska afrika gaar ahaan soomaaliya waxeyna kala yihiin sababahaas kuwan soo socda :  

 

 

 

1-      Dowlad iyo Hogaan wanaagsan la’aan  

“ Ragii madaxda ka xumaato  waa,  marin habaabaaye “

Dowlad iyo hogaan la’aanta inagu dhacday waxey sababtay in  dalkii uu agoomoobo , in dadkii soomaaliyeed gaajo , cadaalad daro , caloolyoow , iyo uurkutaalooyin badan lasoo deristo ama ha noqoto abaar , gaajo , masuqmasuq , macluul iwm intaa iyo in ka badan waxaa loo aaneeyaa in ay sabab u tahay hogaan xumida iyo dowlad la’aanta ku habsatay umada soomaaliyeed iyo jahwareerka soo foodsaaray . Maantadan wuxuu dalku la’yahay hogaamiye dhab ah oo xalaal ah oo dunida kala hadla baaxada iyo sida wax looga qaban karo abaarta , gaajada , iyo maamul u helida dalka iyo dadka . Hogaamiyaha waa badbaadshe , bishaanshe , isku tole , waa howl wadeen , waa balanqaad la iskula xisaabtami doono aduun iyo aakhiro  . 

2-       Isbedelka cimilada (  Global warming )  iyo dabargoynta dhirta ( Desertification )  .

Sare u kaca Isbedelka cimilada dunida oo in badan laga hadlay , shirar badana laga qabtay ayaa la yiraahdaa waa u sabab waxyaabo farabadan oo abaartu , iyo gaajadu ay ka mid yihiin . Isbedelka cimilada ayaa dhaliya abaarta iyo xaalufka dhulka masiibooyinkaa oo iyagana dhaliyo cuno iyo biyo yaraan kama dambeystiina dadka ku qasabta in ay ka hayaamaan deegaankooda waxaa arinkaan lagu xalin karaa in la badiyo isticmaalka tamarta qoraxda iyo biyaha , iyo in yareeyo qiica wershadaha (Air pollution ) dhanka kale marka aad fiirisid taariikhda dadka soomaalida roobku wuxuu ahaa mid aad ugu yar oo suugaanta iyo sheekada soomaalida kama marna hadalka Roobka , roob la’aanta , abaarta iyo Aaranka .

Waxaa sidoo kale wax laga naxo ah in dabargoyn ba’an ay inoo dheertay oo lagu haayo dhirtii quruxda badneyd ee uu dalka laga iyadoo loo adeegsanayo in wax lagu karsado ama la dhiifiyo si looga ganacsado  dhuxul ahaan taa oo marka aad fiirisid 4 – 8 sano ka hor ay maanta aad uga daran tahay oo xaalufintii ay sii badatay wax dowlad la yiraahdo oo ka celinayaana aysan jirin halka dunidana award la isku siiyo sidii dhirta loo beeri lahaa oo dunida cagaar ama doog looga dhigi lahaa .   

 

3-       Faragelinta  Joogtada ah ee USA , Ethiopia iyo dowladaha tabarta daran ee soomaalida

Faragelinta dowlada mareykanka iyo itoobiya ee aan leeleexadka laheyn ayaa u sabab ah in soomaaliya ay yeelan weydo dowlad awood leh oo danaheeda taqaan dadkeedana badbaadsata soo gelitaankii ciidamada itoobiya iyo faragelintii dheereed ayaa aas aas u ah in dalka iyo dadka noqdaan kuwo u nugul abaar iyo gaajo meel faragelin iyo colaadin intaa iyo in ka badan lagu haayana ma aha meel ay xanaano taal .   

 

4-      Hormar la’aan , iskaashi caalami la’aan , Dagaalo iyo faqri .       

Hormarla’aan ( lack of leadership) :  waxaa loo la jeedaa marka la waayo fursado shaqo , caafimaad , biyo nadiif ah oo la cabo , cuno , aqoon iyo hooy marka shaqsi intaa oo horumar ah uu waayo waxaa imaaneeysa in qofkaa ama dadkaa ay ku jiraan xaalad gaajo ah  .

     Recep Tayyip Erdogan iyo xaaskiisa oo muujiyay in ay ina garab taagan yihiin .

 

Iskaashi caalami la’aan ( lack of international cooperation ):      Iskaashi la’aan xaga la dagaalamida abaaraha iyo gaajada  ayaa iyaadana u sabab ah in abaaruhu ay sii darsadaan balse waxaa muhiim ah in dunida iyo soomaalida caqliga u saaxiibka ah ay iska kaashadaan sidii arintaan xal loogu heli lahaa iyadoo loo marayo dhabaha saxda ah waxaana jira wadama farabadan oo heegan soomaali u ah sida Turkey oo raisulwasaarahoodii iyo madaxdoodii ay ka dhiidhiyeen arintaa naxdinta leh ee dalkeenii ka dhacday gurmad dad dag ah inala soo gaaray dadka dhibaateeysan ee soomaalida ah balse waxaa dunida iyo soomaalida la gudboon in la iska kaashado hergelinta dowlad wanaag (good governance ) iyo la dagaalanka faqriga (poverty reduction)  labadaba si qaran iyo si caalami ahba .   

Faqriga iyo dagaalada ( Poverty and Wars ): Iyaguna waxey sababaan abaaraha iyo macluusha oo marka aad fiirisid dalalka qaar sida japan iyo canada kuma maqleysid waxaa ka jira gaajo ama abaaro oo waxaa u sabab ah dagaalada iyo faqriga oo aad ugu yar halka dalalka qaar sida afrika iyo asia ay aad ugu badan tahay abaarta , dagaalada , fatahaadaha iyo dhul-gariirka oo dhamaan ah musiibooyin dabiici ah

 

Sidee looga baxaa abaarta ?

“ Waxbaa dhacay ee maxaa laga yeeli waa goor dambe , Dadka aduunyada kasbaday waxey ku shaqeystaan waxa dhici doonaa sideebaynu iskugu sii diyaarinaa inaynu wax ka qabano hadey dhacdo amba waxa dhici doona si aanay u dhicin ”    Prof : Ahmed I samatar        .

Waa laga bixi karaa xalna waa loo heli karaa dhibaatooyinkaan abaaraha ee soo laalaabta oo waxaa jira farsamooyin badan oo loo adeegsado la dagaalanka abaaraha ama gaajada waxaana ka mid ah si nidaamsan loo habeeyo hanaanka beeraha , in lala dagaalamo nabaad guurka ama caro guurka , in biyo ku filo loo helo beeraha iyo dadka xoolo dhaqatada ah iyo dagaalada la joojiyo ugu dambeyn in beeraleyda loo nidaamiyo hanaan iyo farsamooyin wax abuurasho iyo keydin si marka abaartu timaad loo adeegsado dalagii ay keydsadeen sidoo kale in la joojiyo ka ganacsiga dhuxusha iyo dhoofinta , xaalufinta keymaha IWM.  

Amartya sen oo ah professor wax ka dhiga jaamacado badan horay ugu guuleystay bilad ayaa waayo aragnimadiisa iyo aqoontiisa kusoo bandhigay 1981 buug uu ugu magac daray “ Poverty and Famines: An Essay on Entitlement and Deprivation ”  Mr sen wuxuu usoo joogay isaga oo arday 9 jir ah abaar ba’an oo ka dhacday gobalka bengal 1943 tasoo ku dhawaad 3 milyuun oo qof ay ku dhinteen Amartya iyo dadka kale ee wax ka qoray abaarta iyo gaajada ayaa waxeey aaminsan yihiin in bulshada nabdoon ee u siman, si cadaalad ah  ku wada nool oo si isku mid ahna u hela fursado dhaqaale sida shaqooyin iyo waxbarasho oo dowladooduna tahay mid ku dhisay dastuur wanaagsan oo xor ah aysan haleelin abaar hadii ayba dhacdana ay si dhaqsi ah uga bixi karaan oo dunida ay la kaashan karaan si looga baxo .  

                

Dad baahi la yaal dhulka Russia 1921

Dunida waxaa jira meelo badan oo gaajo iyo abaaro ba’an ay ku dhufteen soomaaliya oo kaliya ma aha meelaha ay abaartu ku dhacdo  waxaan tusaale ahaan usoo qaadan karnaa dalalka China iyo Russia oo ku dhawaad 10 ilaa 15 milyuun oo ruux ku dhinteen waxaa sabab u ahaa marka Russia la fiiriyo dagaalkii koowaad ee aduunka 1918-20 kii socday.  Dhanka China waxaa sabab u ahaa cimilada oo xumaatay iyo siyaasadii xisbiga markaa talada dalkaa hayay oo iyana habac gashay  . Sidoo kale waxaa jira macluulo badan oo dunida ka dhacay kaliya ma aha Somaliya , China iyo Russia waxaa iyana jira dalal badan sida Poland , Ireland , India , portugal , vietnam iyo North korea iyadoo dhamaan abaaraha iyo macluusha ku dhacay dalalkaan ay u sabab ahaayeen hogaan xumo , dowlad la’aan , cadaalad daro , dagaalo iyo cimilada oo xumaato sida in roob la waayo ama qiica warshada iyo dabargoynta dhirta ay u sabab noqoto Ugu dambeyn waxaa looga hortagi karaa in la hergeliyo bangiyo deemo (microfinance banks ) yar yar siiya dadka fuqurada ah , in waxbarasho loo fidiyo dadka waayo qofka waxbartaa waa ka nolol wanaagsan yahay shaqsiga kalein tababaro loo fidiyo beeraleyda iyo ugu dambeyn in ilaaheey la talo saarto oo la duceysto . Sida caadiga ah bulshooyinka marka ay ku dhacdo muusibo waxaa marka hore wax ka qabta oo xaliya bulshadaa dhexdeeda hadii ay sii darsato waxaa soo gala dowlada Qarankaa oo wax ka qabata hadana hadii ka fara baxsato oo sii weynaato waxaa soo gala dunida saaxiibka la ah qarankaa oo caawiya balse maanta dad , dowlad iyo duniba inteeda badan indhaha ayey ka xirteen dhibaatadaan ku habsatay umada soomaaliyeed .

 

Muxuu yahay casharka laga baran karo Abaaraha ku dhiftay dalka ? 

“ Abaarta iyo Taariikhda waa lama iloobaan ”

Waxaaa laga dhaxlay waayo aragnimo ama khibrad sidoo kale waxaa laga bartay casharo qiimo badan balse “ kuwa taariikhdooda iloowa ayaa ku cel-celiya khaladka ay ku nool yihiin ” oo waxaan nahay dad aanan ku cibrad khaadan ama cashar ka baran taariikhdooda balse kulminta tagtadaadi shalayto iyo joogtadaada maanta waa odorka timaatada berito sidaa darteed casharo badan waa laga qaatay balse waxaan qabaa in qodobada ugu waaweyni yihiin :

1-    In dagaalku  iyo dowlad la’aanta keento dhibaatooyin badan oo abaarta iyo gaajadu ay ka mid yihiin .

2-    In Aqoon-darada , Hogaan xumida iyo kala tago lagu jabo oo uu wax uu faa’ido leeyahay aysan jirin .

3-    In hadii soomaalida sida maanta ay isugu gurmanayaan ay ay ugu midoobaan siyaasada dalka uu xasilayo .

4-    In ay jiraan dalal diyaar u ah in xiriir saaxiibtinimo oo xalaal ah la yeeshaan somaliya sida turkey si ay isaga kaashadaan hormarka xaga aqoonta , militariga , siyaasada dunida iyo gnacsiga sababtoo ah somaliya waxey ku taal meel muhiim u ah dunida .

5-    In dowlad wanaaga , cadaalada iyo ku dhaqanka diinta ay aas aas u tahay nolasha aadanaha .

 

 

Balse waxaa muuqata in aan noqonay dad garan waayay ama ku cibrad qaadan waayay dhacdooyinkii dalka ka dhacay intii uu dalka burbursanaa oo horaa waxaa loo yiri “ Nin shalay ilooway , beri ma odoroso “ taana waxey dhalisay in aan garanweyno waxa maanta ama beri ingu dhici karo waayo waxaan iloownay shalay wixii inagu dhacay .

 

Gabogabo:

waxaan kusoo gabagabeynayaa in abaarta iyo gaajada laga bixi doono oo haduu ilaah yiraahdo la gali doono waqtigii wanaagsanaa ee hormarka , xurnimada , cadaalada , nabada , barwaaqada , sinaanta oo waxaan oo dhan ay noqon doonaan waayo aragnimo wanaagsan oo lagu cibro qaato .

 

WQ :     Ahmed mohamed Rooble

Karachi , Pakistan 

Email : amrooble10@hotmail.com 

 

Isha / Tixraac :  

BUUG: Hogaamiye isbedel horseeda said Ali shire

 

BUUG: Hogaamiye isbedel horseeda said Ali shire

 

http://www.ucc.ie/famine/roots/pdfs/Roots%20of%20Famine2.pdf 

 

http://en.wikipedia.org/wiki/Famine

 

A Critique of Amartya Sen's argument on Democracy and Famine ...   

 

Poverty and Famines: An Essay on Entitlement and Deprivation By: Amartya sen Masefield, G. B.: Famine: Its Prevention and Relief, Oxford, Oxford University Press 1963.Maharatna, Arup: The Demography of Famines, Oxford, Oxford University Press 1996.

 

http://www.res.org.uk/society/mediabriefings/pdfs/2000/January/yang3.pdf

 

A case-Studies: Chinese Famine (1958 to 1961) by Prof - sen

 

Subscribe to comments feed Comments (38 posted):

yaxye on 21/09/2011 07:04:46
avatar
waad mahadsan tahay yariisoow waa dadaashay
Thumbs Up Thumbs Down
-1
muhidin on 21/09/2011 08:38:55
avatar
waa mahadsan tahay.. maqaalkaada waa good laakin bibliography_ga sidii la rabay maahan academically... harvard system ayaa ugu fudud uguna caansan hadda qaabka wax loo soo xigto loona xuso gabogebadii..
thank you
Thumbs Up Thumbs Down
0
CADIL on 21/09/2011 10:11:32
avatar
ascww waba sheegtey cimalada waa isbadashaa truth its important human fairnes injustice culture lagaga dhigo jahli qadimo dhamad laheen fabric sheyatiin jini wal insi qalbada umada ka qabsatey human rights equal freedom reer sheyatiin jini wal insi cawaniin wadaweliin jahliin cadalo diid sinaan diid horumardiid foodo jahli layanfac
Thumbs Up Thumbs Down
0
CADIL on 21/09/2011 10:23:42
avatar
ascww REVOLUTION FIGHTERS wadamadii islaamka waa soo keceen isku dubniin ay ugu soo horjedaan iney iska turaan kaligii taliye xukun anaga hadii nolo fiirsho shacabkii dhan baa xun iyo xumaan usacbiye ah damiirxumo jahli layanfac foodo lugoyo ayaa wanagsan magac islaam ama mid kufaar iyo dadnimo inagaa iska hortagaan wanaag horumar xaqiiqdiid intaas wadan baa gajada maclusha islaam ahan nogu soo gurmadey waxey aheed in laga faaideysto ganacsi sida iraan turki masar ethiobia hada ganacsi lagu qayasey 2bilyan ganacsi bey lageshey masar intaan anaga aan wedisano lacag lami logu dhiso abartana ganacsi malgelin laan ayaa keneyso inta yar cashurtaa jabdad bey gashaa dukan hadii anan lamalgelin ganacsi ahan faidada lacuno horumar gajo abaar lagama baxayo ee ilahow cadawnimo foodo lugoyo jahli naga gargaar horumar sumcada umada soo celi
Thumbs Up Thumbs Down
0
CADIL on 21/09/2011 10:34:05
avatar
anaga ilahey dhulwanagsan cimilo hawo wanagsan wabiyo beero xeebweyn badwenta indian ocean warshada wax soo saar maleh kaluun bada dadkala ayaa gurto madamo anan wardiyesen anaga dhilmayo iyo dhilqo reerbalayo fidno reer satan devil foodo cawaan waxaan dhofinaa xoolo nool inta kale lacaga cadaan baan ku ibsanaa sida qaadka cuntada dharka dawada qalabada kala duwan dhismaha electeri spereparts waxaas waxaa uwacan waa jahli intaas warshada hadii sameysatid wasoo sari kartaaa midwalba waxuu rabaa lacag cad xanshi ah uu tabcan inlasiyoo manarabo inlatabcado wax soo saar maal gelin horumar xaag dhaqalo
Thumbs Up Thumbs Down
0
samafale on 23/09/2011 14:55:13
avatar
Aqoonyahay Aqoonyahan dhalay ina maxamad Rooble waa dadaashay adeer sidaa ku soco oo dadaalka badi ?
Thumbs Up Thumbs Down
0
ABDIHAKIN on 12/10/2011 12:16:51
avatar
WAXAAN AHAY SOOMAALI
Thumbs Up Thumbs Down
-1
jowhar on 22/10/2011 16:16:20
avatar
` Reer jowharna waa tahay reer hiiraan jawiilna waa tahay intee kuu raacnaa ssxb
Thumbs Up Thumbs Down
1
Qabiil on 22/10/2011 16:18:38
avatar
waa dadaashay axmad yare sii wad howshaa weyn dadka xun war kooda ha dhageysan
Thumbs Up Thumbs Down
0
Woods on 04/11/2011 16:35:59
avatar
I'm not wrothy to be in the same forum. ROTFL
Thumbs Up Thumbs Down
0
1 2 3 4 next total: 38 | displaying: 1 - 10

Post your comment comment

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Tags
No tags for this article
Rate this article
0