Ra’iisul wasaare Gaas: “Ma aqoon sani Madoobe Nuunoow
Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay inaysan aqoonsaneen gudoomiyahaa cusub ee barlamanka oo ay doorteen Xildhibaanada barlamanka.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya C/wali Max’ed Cali Gaas oo waraysi siiyay Idaacadda VOA-da ayaa waxa uu sharci daro ku tilmaamay islamarkaana uu sheegay in uu san aqoonsaneyn gudoomiyaha cusub ee barlamanka Soomaaliya Mudane Madoobe Nuunoow Max’ed.
C/wali Max’ed Cali ayaa waxa uu sheegay in isaga aysan wax sax ah ula muuqan doorashadii ka dhacay Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ee lagu doortay Madoobe Nuunoow, isagoo intaasi raaciyay in loo baahanyahay in hadii doorasho la galayo in wadada sharciga ah loo maro.
Ra’iisul wasaare Gaas ayaa waxa uu sidoo kale ka halay qorshaha Ciidamada Ethiopia ee ku sugan gudaha dalka, isagoo sheegay in Ciidamada Ethiopia ay tagi doonaan goob waliba oo ay ku sugan yihiin Al Shabaab, iyagoo gacan siinaya dowladda KMG Somaaliya.
Hadalkaani ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ay gudoomiye cusub u doorteen Madoobe Nuunoow Max’ed kadib markii ay xilkii ka qaadeen Shariif Xasan Sheekh Aadan.



del.icio.us
Digg
Post your comment