Shirkaan Ma Yahay Shir Wada Tashi Mise Waa Shir Kala Tashi !!!??
14/09/2011
Shariif Mahiiga Soomaaliya Maka Shaqeystaa Mise Waa u Shaqeeyaa?? Soomaalidu waxay tiraahdaa “ NIN BUKOOW BOQOL KUU TALISAY” wixii aan soo marnay 20-kii sano ugu dambeesay marba sheekh marba dhaqtar na loogu fiirinaayey waa nalagu daaley , markaan waxaan joognaa khidmad shuruud leh hala saaro, hala saaro maxumee yaa saaraayo? Balse dadku waxay is waydiiyaan Qof aan Qur’aan aqoonin qof jiran khidmo ma saari karaa? Ama aan aaminsaneen Qur’aan in lagu reysto.
Waa Shariif Mahiiga oo aan rabin in jirada laga kaco maxaa yeelaysanad waliba waxuu rabaa in dhaqtar cusub ama wadaad cusub loo geeyo
talada .
Soomaalidu waxay maqli jireen shir dib u heshiisiin ah maanta waxaa naloo keenay shir wada tashi ah balse ummada soomaaliyeed iyo waxgaradka waxay is waydiinayaan yaa lala tashanayaa, Yaana loo talinayaa, Yaase tashanaayo, ma Faroole oo Gaalkacayo Gubanaeyso kasoo dhoofay ayaa talinaaya oo Boosaasana Bistooladley ka celin waayey oo dadka ku laaysay, mise Caalin oo kala celin waayey walaalihiisa Ximin iyo Xeeb iyo Galmudug oo asagoo magacaas Galmudug shirka ku fadhiya, mise Madaxweyne Shariif oo Muqdisho ka adkaan waayey oo musuqmaasuq aduunka kaalinta koowaad naga gelshay mise Dr. Mahiiga oo rabo inay makhaayada sii shidnaato oo xaalka Soomaaliya sii cakirnaado, mise Ahlu-Suna oo shirkii Cabud waaq ka dhacay raggii ka qeyb galay qaarkood loogu dilay sidee shirkaas aad uga qeyb gasheen
Waxaase layaab leh shirka Muqdisho ayaa lagu qabanayaa wejigiisa koowaad, qeybtiisa labaadna Puntland ayaa lagu qabanayaa maamulkaasna waxuu sheegtaa Inuusan Soomaaliya ka go’in hadana waxuu rabaa in dowlad ahaan loola dhaqmo, beeshiisa Dowlada Fedraalka way ku jiraan Xildhibaano iyo wasiiro way leeyihiin Ra’iisul wasaarahana ayaga ayuu kasoo jeedaa walina waxbaa ka maqan Faroole, Soomaali badan waxay hada leeyihiin intaan soomaali wayn Raadineyn waxaa noo habooneed inaan maamul goboleed ama maamul labo degmo sameysano, waayo kuwii sameestay waa ay ku liibaaneen balse shirkaan ka dib ayaan arki doonaa sida ay maamulada u bataan taasina waxaa dhiirigelinaaya Mahiiga oo aad moodo inuu aad u jecel yahay in calamo badan laga taago goobta uu shirka ka socdo , sida Calanka UN-ka, Calanka Puntland , Calanka Galmudug, kan Soomaaliya, 20 land oo cusub iyo kan AU-da I.W.M., balse shirkaan wuu naga hoos baxay halka sano ka dib ayaa noo balan ah 20Land inaan sameeno qaar ayaa ku fikiraayo.
Ugu dambeyntii Mr. Mahiiga iyo labo Shariif hadaladii Faroole aad ayey u qanciyeen balse kalama hadlin hadalada qaar inuu ka fiirsado ama iska ilaabo 20 sano ka hor wixii dhacay, balse Qof sed bursi raadinaayo iyo Qof la Quursanaayo waa waxa dumiyey Qarannimada Soomaaliya ayna ka degi waysay soomaalida.
Waxaan leenahay markaan u kuurgalnay shirkaan ma ahan shir wada tashi waa shir kala tashi ee Mahiiga Soomaaliya halaga Qabto ama ha iska
qabato hadii kale meel ka xun ayuu geyn doonaa mushkilada Soomaaliya asagana wuu ka tabcan doonaa waxuuna raadinaayaa dhaqaalo uu ku
tartamo madaxweyne nimo uu ku galo mustaqbalka dalkiisa Tenzania.
Waan u wada joognaa arimaha soomaaliya iyo meesha ay ku dambneeyaan waayo Soomalidu waxay Tiraahdaa “NIN BUKA NIN BAAHAN BARAX LOOGUMA
DHIIBO”.
WQ Xil Cismaan Maxamed Cabdi { Cismaan Daallo}



del.icio.us
Digg
Post your comment