Home | Fanka iyo Suugaanta | Sheeko | Sheeko 1aad: WARAABE IYO DAWACO

Sheeko 1aad: WARAABE IYO DAWACO

Font size: Decrease font Enlarge font
image

SHEEKADA KOWAAD

Bari ayaa dawaco adhi fara badan ka cuni jirtay reero meel deggan. Adhigaas oo riyo iyo idaba lahaa. Maalin danbe ayaa dadkii meel isugu yimaadeen waxaaney ka wada hadleen sidii ay dawacadaa dhibta badan iskaga dili lahaayeen. Waxay dadkii talo ku gaadheen in dabin loo dhigo dawacada. Dawacadii waxay ku dhacday dabinkii loo dhigay. Dadkii waxay ku xidheen dawacadii geed jiridiis, si looga aarsado oo waxaa talo lagu gaadhey in dab lagu dhex rido.

Dadkii waxay soo gureen qoryo xaabo ah oo aad u badan. Waxay xaabadii ka buuxsheen god aad u weyn oo ay ka qodeen geedkii ay dawacadu ku xidhnayd agtiisa. Markaas ayey xaabadii dab ku huriyeen waxayna yidhaahdeen, "Aan iska tagno, oo marka dabku uu aad u shidmo ku soo noqonno oo dawacada ku dhex ridno." Waraabe aad u gaajaysan ayaa wuxuu maqlay cidii dawacada. Markaas ayuu soo orday oo is yidhi, aad ka eryatid neefka ay dilootey maanta, waraabihii wuxuu u yimi dawacadii xidhneyd.

Intuu yaabey ayuu ku yidhi, "Naa dawaco yaa geedka kugu xidh-xidhay?" Markaas ayey dawacadii tidhi, "Waxa igu xidhay adeerkay." Waraabihii (Dhurwaa) ayaa hadana yidhi, "Oo muxuu kuu xidhay?" Dawacadii ayaa tidhi, "Adeerkay aad buu ii jicelyahay." Wuxuu arkay in aan caato ahay markaa wuxuu ii qalay wan weyn oo aad u buuran. Dabkaasna wankaas ayaa lagu karin doonaa. Aniguna waan diidanahay in aan cuno wankaas buuran, waayo gaajo ima hayso oo maalmahan oo dhan ayaan hilib cunayey, oo waxaan ka cabsanayaa inaan calool xanuun ka qaado. Markii aan damcay in aan ka tagana, intuu i soo qabtay ayuu geedkan igu xidhay. Markaan hilibkii cuni kari waayeyna wuu i diley.

Waraabihii ayaa intuu afka aad u kala qabtay illeen waa wax hilib iyo baruur jecele yidhi, "Ihi! ihi! ihi! aniga ayaa xariga kaa furaya ee aniga geedka igu xidh, si aan anigu u cuno hilibkaas adiguna uga nabad gasho." Markii dadkii ku soo noqdeen meeshii dawacadu ku xidhnayd, si ay dabka ugu dhex tuuraan, waxay u yimaaddeen waraabe ku xidhan geedkii. Dadkii ayaa intey yaabeen yidhi, "War Waraabe meeday dawacadii?" Markaas ayuu waraabihii yidhi, "aniga ayaa xarigii ka furay oo way tagtay."

Dadkii ayaa yidhi, "Oo maxaad uga furtay?" Waraabihii wuxuu yidhi, "waxay i tidhi dawacadii aniga gaajo ima hayso, ee hilibka la ii keeni lahaa adigu cun." Markaas ayey dadkii isagii dabkii ku tuureen. Sidaas ayaa waraabihii isku darsaday hunguri xumada iyo doqonnimada ku dhintay.

Dulucda sheekada:

Waxay Soomaalidu sheekooyin keeda had iyo jeer ku sheegtaa in dawacadu ay tahay midda ugu khayaamo iyo caqli badan habar dugaag oo dhan, waraabuhuna (dhurwaa) uu yahay ka ugu doqonsan.

Xigasho: Somali Folktale Project, web: http://ultra.mpls.k12.mn.us

Subscribe to comments feed Comments (17675 posted):

farah on 06/06/2011 12:10:34
avatar
Masha Allah Waa sheeko isoo jiidatay..kkkk
Thumbs Up Thumbs Down
1
Elouise on 10/07/2011 00:16:24
avatar
Now I'm like, well duh! Truly tnhkfaul for your help.
Thumbs Up Thumbs Down
0
Jobeth on 10/07/2011 04:29:33
avatar
Great atilrce, thank you again for writing.
Thumbs Up Thumbs Down
0
fwpsgmcqzi on 10/07/2011 07:09:12
avatar
wsIkUh aqhskzhoifbp
Thumbs Up Thumbs Down
0
chandarelli on 10/07/2011 23:46:36
avatar
meclizine and depakote 93139 keflex gqrpos clomid 317314 buy cardizem in usa =-]]]
Thumbs Up Thumbs Down
0
gossipr4life on 11/07/2011 01:15:41
avatar
classic car insurance 866756 discount auto insurance >:OOO
Thumbs Up Thumbs Down
0
Lesa on 11/07/2011 14:48:02
avatar
I was lokonig everywhere and this popped up like nothing!
Thumbs Up Thumbs Down
0
calatta on 12/07/2011 01:18:07
avatar
ultram =PPP viagra hzk
Thumbs Up Thumbs Down
0
PastMemory on 13/07/2011 02:19:26
avatar
affordable auto insurance mju auto insurance quotes 430
Thumbs Up Thumbs Down
1
toxicxturtle on 14/07/2011 01:15:47
avatar
dental health insurance zizat short term health insurance :OOO
Thumbs Up Thumbs Down
0
1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 next total: 17675 | displaying: 1 - 10

Post your comment comment

• email Email to a friend
• print Print version
• Plain text Plain text
Tags
No tags for this article
Rate this article
2.50