Timacade (3)
Cabdilaahi Suldaan Timacadde
Gabaygan waxa tiriyay Cabdilaahi Suladaan Timacadde Ilaahay naxariiste Janno ha ka warabsho eh. Timacadde lama uu mid ahayn gabayaaga Somaliyeed dhammantood. Waxa ay gabayadiisu ku caan yihiin waano, wacdi, tusaalayn iyo nacayb xoog ah marka ay noqoto qabyaalad ku dhaqanka. waxaad mooda in aragti gaar uu u lahaa sida qabiil ku dhaqanku uu ahaa dhaawaca, baabi'nta, dumista kala fogaynta dadka ku nool cara edeg dhammaantood.
Gabygan magaciisa waxa la yidhaa Murugo waana sarbeeb ila hadana safayntiisu ay ku maqantahay dadka aqoonta u leh gabayada.
Wuxuu yidhi timacadde ilaahay ha u naxariisto eh:
macnuu gabaygu kala leeyahayiyo jar iyo miidaane
layskuma marduufee haddaan miimka ka higaadsho
masalooyinkaygii haddaan maayada u laliyo
haddaan maago maantaba inaan mariyo luqdeeda
u meermeeri maayo'e tixaan meel dhow ku ogaaye
miyirsada anaa tu'aan yarayn idinku maanshayne
moqor ma laha geeduba hadday mayayga weydaaye
maalkuba caleen kama heleen milcda dayreede
midhuu kama bislaadeen haddaan gu'gu masruufayne
anna waxaan maleeyaan sidii milicda muujaaye
miyirsada anaa tu'aan yarayn idinku maanshayne
miidaan la soo xidhay shirkuu rag isku maan dhaafo
isagoo muxtaaj loo yahay baan muunadayn jiraye
markaasaan muquuno u baxshaa araar leh miisaane
midh la yeedhku goortuu bartaan kaygi meel dhigaye
miyirsda anaa tu'aan yarayn idinku maanshayne
afartaa wax layskuma maro'e miim ma ka higaadshay
maxlal hadalka waa u odhan jiree ma u masalo sheegtay
malyandheerka aaraartuu ahaa macalinkaygiiye
mudanii AFLOW iyo sidii MUXUMAD maw yeedhshay
micne kalana waa hadaladay muhatay laabtaydu
sida maxamadow mugul kaliil maangad lagu ooday
oo mayay gu'oo iyo maax biyo leh weyday
oo waa mawaashi saqdhexe maa ka tidhi beesha
madoobaadayeey xalay miyay murugtay laabtaydu
sida mayl ka soo baxay Hindiya marinadii Jaawa
uu macalinkii waday xukumay mood in laga buuxsho
oo maalmo badan soo dhaxoo meel marso leh gaadhin
uu minawaarka quusaa u dhigay maynka lagu goosmo
oo wixii makhluuqaad ku jiray maalku kala soormay
madoobaadayeey xalay miyay murugtay laabtaydu
sida naag ninkeedii mudna mawdku kala qaaday
oo macangag liittaa u hadhay yeeshay meherkeeda
oo inay ka meemeeriyaan magane doonaysa
madoobaadayeey xalay miyay murugtay laabtaydu
sida carab macdar wacan dhigtoo mihindisoonaaya
oo maqayil xaafaddo u tagay lagama maarmaan ah
uu tuug musbaarrada guray uu taabay maqalkiisa
oo aan maliim lagaga tagin mulug wuxuu haystay
aan madhax raasamaal meel ka dayanaynin
madoobaadayeey xalay miyay murugtay laabataydu
sida maahir geeloo diraac madax sare u booday
oo gubad magoolliyo tigaad mruqle soo daaqday
haddii aan madoobow ratiga heeryo lagu miisin
milmil iyo haddaan loo carrayn marin xadhaadhoobay
madiix ololku wa gar'e hadday miridhna daynweydo
uu kala melmelo jeelku waa meheradiisiiye
ninkii maali jiray waa xaqiiq inay masoobaane
madoobaadayeey xalay miyay murugtay labtaydu
sida inna'n mabsuudoo rug wacan maalig ka abuuray
oo oday masaa'ibi dhalloo laga mildhaabaayay
makri ma laha naago'e hadday mahadda hayn weyday
oo inay hablaa wada maraan milicda doonaysa
uu innan ku meeraysan jiray meel fog ka ilaaqday
uu habar macluuna u diray ooy moqotinka u saartay
oo aan ka maanicin wuxuu uga muraad yeeshay
oo lay muwaafaqay halkuu maya ka dhawraayay
oo farakh makankeeda galay madax wareeraysa
madoobaadayeey xalay miyay murugtay laabtaydu
hadduu muruqa bawdadu ku go'o waad makalantaaye
ninkii midigta laga taabayow bidixdu waa maafe
markaha daarka waxa loogu tolay meel ha joogsado'e
waxa maraqa loo seesayaa maahir yay jaqine
miiraalaha hortiibaa guryaha layska moosaaye
mareegtaaba loo sii guntaa maqasha nayloode
yaanan hadalka muurmuurinine waxaan ku maydhaamay
macnaha iyo ujeedada ninkii maaxiyaa garan



del.icio.us
Digg
Post your comment