SIDII GEEL HORWAYNOO
Cilimi Boodhari
Sidii geel horwayno wax badan hawdka miranaayey
Oo haro la soo joojiyo kuray u heegaayo
Oo hoobay loo qaaday iyo hees walwaaleedka
Kolkaad Hodan tidhaahdaanba waan soo hinqanayaaye
Haday hawlyaraan idin latahay aniga way hooge
Ayadoon ciida lagu hamsiin waanaan ka hadhayne
Hammada beenah marbaan is idha waad la hurudaaye
Jin uun bay haddoodilay miday habar wadaageene
Hareertayda madhan baan is idhi haadso gacanteeda
Kolkaan hubsaday meel cidla ah inaan ku hawshooday
Ruqruqaansigaygii dambaan soo hambaabiraye
U haylhaylay gogoshii sidii halablihii aare
Siday iga haleeyeen maryihii hiifay oo tuuraye
U hagoogtay sidii geesi ay niman ka hiisheene
U hiloobay sidii wiil la dhacay kadin ay haysteene
U hiqleeyey sidii naag layidhi huray dalaaqdaaye
Wax aanad haynin ood haabsataa habartii weeyaane
Hoheey iyo hoheey maxaa hadimo la ii gaystay



del.icio.us
Digg
Post your comment