Cilmi Boodhari iyo Hodon Maxaad ka ogtahay jacaylkoodii?
25/08/2011
Allaah ayaa mahad leh nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato Nabi Muxamed, intaa ka dib.
Saxabiyaal waan idiin salaamay meel kasta oo aad aduunka kaga nooshiin, wax aan halkaan idiinku s oo gudbineynaa Qiso xusid mudan oo Jacayl ah taas oo ah Qisadii Abwaankii Jacaylka Ee Cilmi Bood hari.
iyadoo aan u qeybinnay Cutubyo badan soona koobnay Nuxurka Qisada layaabka leh ee Cilmi iyo Hod an
Dukaankii rootiga lagu gaday ee Berbera ugu weynaa ee Cilmi uu ka shaqeyne yey waxaa soo gas hay gabadh qurux badan oo la odhan jirey Hodan Cabdille Walanwal. Sidii ay u socotey waxaa abw aan Soomaaliyeed ku sifeeyey sidan

|
Markay socodka damacdee |
Gabadhu waxay ku tiri Cilmi „Subaax wanaagsan!“ Isagoo markii horeba ka helay qaab-dhismeedka qurxoon ee uu Eebbe u uumay baa haddana wuxuu ku murqaamay midabkeeda oo aad dahabi moo deysey iyo indheheeda debecsan ee ka soo jeeda wejiga dhalaalaya wuxuu ugu jawaabay „wanaa gsan“. Islamarkaasna wuu caashaqay
Caashaqii buu u bukay Cilmi Boodhari . „Culays wuu i saaran yahay“ buu ku yidhi saaxiibbadiis. Mark uu muddo bil ah jacaylka dhex dabaalanayay waxaa soo batay xanuun ka dhashay rabitaan xad-dhaaf ah oo uu u qabay Hodan. Cuntadii iyo hurdadiina way ku yaraadeen. Intii uu Hodan u tegey ayaa wuxuu u sheegay in uu jecel yahay inuu guursado. Hodanna iyadoo dirifsan, si kulul bay ugu sheegtay Cilmi inaysan guurkiisa u baahnayn. Muddo kaddib Cilmi wuxuu tiriyey gabaygii ugu horre eyey, isagoo ku muujiyey dhibaatadii la soo deristay

|
Nimanyahow, dharaar iyo habeen waan dhadhabayaaye Dhulkuun baan xariiqaa siday dhiilo u timiye Sidii qaalin dhugatoobayoo geeli laga reebay Dhallinyaro ma raacee keligay baan dhaxanta meeraaye Dhakhtarkaa la geeyaa qofkii dhawac weyn qaba e Iyana waa igu dheeldheeleyaan dhamacda Daa’uude!
|
Cilmi wuxuu ka faquuqmay bulshadii uu dhexdeeda magaca iyo maamuuska ku lahaa, wuxuuna noq day nin iska aammusan. Xilligaa geyiga Soomaaliyeed lagama aqoon jecel, waxaana ceeb iyo foolx umo loo arkayey qofkii laga maqlo „Caashaq baa i haya“. Qofkaa caynkaas ah waxaa loo haysan jir ey mid uu jiinni derderay. Sidaas darteed ayaa Cilmi loogu qaadey habar jiinniga dadka ka buubisa oo dad badan daaweysey. Kaddib markii laga quustay ayaa waxaa loo tegey wadaaddo. Inkastoo ay aad u dadaaleen, haddana ficilkoodii iyo Quraankoodii ma noqon fal uu Cilmi ku raystay. Nin wed galay looma taag helo!
Cilmi Boodhari isagoo aad u xanuunsan ayaa wuxuu tiriyey gabay uu ku eedeeyey dadkii garan waa yey caashaqa wuxuu yahay:

|
|
Cilmi iyo saaxiibbadiisii waxay ka qayb galeen xaafaddii arooska ee ka dhacday Daaroole, waxayna kula kulmeen Hodan.

|
|
Kaddib markii la wada ciyaarey oo la wada heesey ayay Cilmi suurtoggal u noqotay inuu gooni ula s heekeysto Hodan. Wuxuu u sheegey inuu danaynayo inay noqdaan laba qof oo haasawe wadaag a h, maadaama uu iyada aad dooneyo, hablaha oodhanna uu ka calmaday. Hodan waxay ugu jawaab tay in ay la nooshahay islaan eeddadeed ah oo aan marnaba ka aqbalayn nin iyo sheekadiis tooona. Islamarkaasna waxay dhegaha Cilmi si dadban ugu riddey inay jeceshahay in mustaqbalka guurkee du uu talo ahaan qoyskooda ka go‘o
Cilmi Boodhari wuxuu yimid gurigii Hodan isagoo u tiriyey gabay uu ku ammaanay quruxdeeda:

|
|
Dhowr oday oo ay Cilmi is xigeen ayaa macsuumay odayaal dhinaca Hodan ah. Hase yeeshee markii dantii ay iska lahaayeen iska wareysteen arrinkii hanaqaad ma noqon, maxaa yeelay odaydii gabad ha la weyddiistay yarad ka kooban xoolo aan xerada Cilmi iyo xerada xigaalkii ku jirin bay ku xidhee n. Dhowr bilood kaddib bay hablo reer Berbera ah oo aad uga xumaaday xaaladda Cilmi wwaxay u soo jeediyeen inuu tan ugu qurux badan ka doorto oo iska illaawo Hodan. Cilmina wuxuu hablihii u tiriyey gabaygan:

|
|
Cilmi abtiyaashiisii iyo adeerradiisii waxay isku deyeen in ay ka leexiyaan Hodan, ayna u toosiyasan gabadh kale oo fiican oo deggen Oodweyne. Hase yeeshee wuxuu raggii la talineyey ka dul mariyey gabay oo ku yidhi:

|
|
Gabadh ay Hodan deris ahaayeen baa waxay u sheegtay Cilmi inuu yimaaddo gurigeeda oo ay Hod an ku martiqaadday.Cilmi aad buu u farxay, laakiin intii uu sugeyey waqtigii uu la kulmi lahaa Hodan waa uu lulmooday. Ninkii seexdaa sicii dibi dhal! Cilmi markii uu gartay wixii dhacay dhulka ayaa la wareegay. Niyad-jab baa kor iyo kal saaqay. Ciil buu cunihiisu buuxsamay. Indho buurbuuran mooye far-dhaqaaqdaa laga waayay. Wixii maalintaa ka dambeeyey Cilmi wuxuu isu arkay nin nasiib xun oo gabadhuu calmaday hanan waayay.
Maalin maalmaha ka mid ahayd ayay rag ka mid ahaa Cilmi qoyskiisii go‘aan ku gaareen in Cilmi laga qaado Berbera ee uu ku xanuunsaday, lana geeyo magaalada Burco si uu waabayda jacalka uga s oo dawoobo.Cilmi inkastoo ka cudurdaartay safarka, haddana waa uu yeelay. Burco Cilmi waxaa ku soo dhowweeyey dhallinyaro mqashiisnayd inuu dibindaabyo caasahaq oo dareenkiisa ku baahday in muddo ah dhinaca dhulka ugu hayey. Muddo kaddib Cilmi wuxuu bilaabay inuu sheekaysto oo kaf tamo. Laakiin mararka uu Hodan soo xasuusto ayuu tash qabsan jirey.
Kaddib markii ay muddo sannad ah in ku dhow ku noolaa Burco ayaa waxaa la weyddiiyey Cilmi had dii uu ka raystay cudurkii jecaylka ee hayay. Isagoo su‘aashaa ka jawaabeya wuxuu yidhi: “Waxna igagama dhicin halkan oo sidaydii baan ahay. Sidii ayaan weli u bukaa, sidii baan Hodan u jeclahay!“ Gabaygii uu markaas tiriyery waxaa ka mid ahayd tixda soo socota:
Hilaac baa Berbera iiga baxay Hodan agteediye!
Intii uu Cilmi Burco ku sugnaa ayaa maalin dhallinyaro qado sharaf u sameeyeen, waxayna weyddii yeen nuu sifeeyo muuqaalka Hodan iyo heerka ay hadda ka joogto qalbigiisa.Cilmi intuu go‘iisii shaa lka ahaa madaxa hoos uga dhigay oo hagaag u fadhiistay buu gabay mariyey isagoo leh:

|
|
Maalintii dambe ayuu Cilmi ka carraabay Burco, isagoo u soo hayaamay. Markiiba uu yimid ayaa wu xuu ku degdegay inuu arko Hodan. Hadalkiisii wuxuu ku bilaabay salaan iyo wareysi guud, kuna xeji yey bal inay la socoto dhibaatada uu darteed u qabo iyo weliba sida ay aragto haddii ay si wadajir ah u furtaan haasaawe ay ku gaadhaan wada-noolaansho dhab ah oo labadooda dhex mara. Laakiin warkii Cilmi Hodan way la yaabtay. Intay indhaheedii waaweynaa Cilmi kor ugu fiirisey bay tidhi: “Weligay kan oo kale ma arag. Waar maxaad sheegayso waxba ka garan maynee ninyohow maxaad u jeeddaa?“
Waqtigaas Soomaalidu waxay caashaqaa u arkayeen wax laga fiican tyahay oo mudan in laga dho wrsado. Hase yeeshee markii Cilmi la weyddiin jirey Hodan iyo halkii ay kala mareyeen waxna ma uu qasan jirin. Gabay uu tiriyey kaddib markii uu la sheekeystay gabadhii uu jeclaa wuxuu ku yidhi:

|
|
Dhinaca Hodan iyadu way ka dheregsanayd Cilmi inuu dhowr goor isagoo saaxiibbadii wata sheeko iyo haasaawe ugu yimid. Xigtada Hodanna ninka gabadhooda marba gabay meel uga tirineya way ka cadhaysnaayeen oo dhaar xagaf ka siiyeen inay dilaan.
Xaaladdu markay meel xun gaadhay baa odayaal soo jeediyey, reerkiisuna isku raacay in Cilmi loo tukubiyo xagga iyo Saylac. Markii gaadhigii la saary uu dhaqaaqay Cilmi wuxuu ku heesey:
Abuteeristi waa gooni maree, cishqi keenaya
Badoow waaridkii naaree serigii doo mareenaya!
Intii uu Cilmi Saylac joogay dadyow ay qaraabo ahaayeen wxay kula taliyeen inuu ka hadho jacaylkii u socon waayay, waxayna u ballan qaadeen in ay u guuriyaan gabadh allaale gabadhii kale ee uu ka doorto hablaha sokeeye iyo shisheeyaba, meeshay doonto ha joogte. Laakiin Cilmi wuxuu sheegey inuusan Hodan ka maarmi karin, gabadh kalena uusan doonayn
Maalin ayuu ku lugeeyey xeebta ilaa uu ka helay taag yar oo dhulka xoogaa kor uga go‘an. Intii uu soo tafay buu wuxuu arkay dabaylo hayaan ah oo u socda dhinaca Berbera. Markay mid mooyee in tii kale dhaaftay buu tii ugu dambeysey guddoonsaday inuu farriin gabay ah Hodan ugu soo dhi ibo:

|
|
Maalin kale Cilmi waxaa lagu martiqaaday aroos si heer sare ah loo soo agaasimay. Goobtii aroosku uu ka dhacayay waxaa laga mariyey laba gabay oo mid uu tiriyey Cabdi Gahaydh, middii kalana Cige Baraar. Dabadeedna ninkii la odhan jirey Ducaale wuxuu Cilmi ka codsaday inuu soo daayo gabay uu Hodantii uu jeclaaday ku ammaanayo.Cilmi wuxuu yidhi:

|
|
Maalintii danbe ayay Cilmi soo booqdeen dhowr dhallinyaro ah oo gabdho iyo wiilal ka kooban. Markii cabbaar la sheekeysaneyey bay gabadh intii hore aammusnayd waxay Cilmi weyddiisey bal inuu jac aylkii xanuunka badnaa ka raystay iyo in kale. Isagoo su‘aashaas ka jawaabaya wuxuu yidhi:

|
|
Markii uu Cilmi in door ah ku dhex sugnaa Saylac waxaa u yimid nin ka soo socdaalay Berbera oo gu ddoonsiiyey warqad uu ka siday saaxiibbadii Tabbaase iyo Muuse “Carab”. Waxay la socodsiiyeen Cilmi in gabadhii uu jeclaa uu nin soo dooney, waalidkeedna ay siiyeen, waxayna u soo jeediyeen in uu Hodan laabtiisa ka xorreeyo, uuna gabadh kale helo.
Markiiba uu soo gabaggabeeyey fahamka nuxurka warkaas xun intuu fardhexada qaniinay buu cirka iyo dhulka meesha ay iska galaaan ku dhaygagay. Naxdin daraaddeed bay madaxa Saani ka kacday. Dhulkii baa la dheeliyey. Wadnahaa gariiray.Cilmi habaynkaas hurdo ma ledin. Wuxuuna ahaa habee nkaasi kii ugu dhibaatada badnaa intii uu Ilaahay uumay. Subixii danbe ayuu gaadhi Berbera u jeeda gundhada jaray. Saaxiibbadii ayaa Cilmi oo aan saddex beri hurdo arag la kulmay, waxayna korkiisa ka dheehdeen dhibaatada uu warkii ay u direen u geystay.
Kolkay in door ah Berbera iyo fagaarihii waaya-waayo dhex meeraysanayeen ayuu nin u sheegay in Hodan iyo ninkii soo dooney laysu meheriyey, isaguna uu falkaas goobjoog ka ahaa. Warkaas Cilmi naxdin buu beerkii la qadhqadhay. Meel uu joogo buu garan waayay. Wareer wareer kale ayuu u dhiibay. Wuxuu sameeyo ayuu garan kari waayay. Muddo kaddib buu Cilmi wuxuu tiriyey gabay uu ku yidhi:

|
|
Dabadeedna Cilmi wuxuu noqday qof murugo iyo tiiraanyo weheshada, welwel iyo walbahaarna ade egsada. Fekerka iyo maahsanaantuna waxay ahaayeen kuwo uu ku caweeyo. Wareerka iyo xanuu nka waxaa u dheeraa hurdola’aan iyo cuntola’aan. Wxuu noqday qof xanuunsan. Si kasta oo loo do oney in la daweeyo ama lagu qanciyo inuu ka haro Hodan iyo jacaylkeeda waa lagu guuldarraystay.
Cilmi qaraabadiisii waxay arkeen inuu ka sii darayay. Si ay u badbaadiyaan ayaa waxay ku tashade en in Cilmi loo guuriyo. Cilmi wuu aqbalay guddoonkii laysku wada raacay. Laakiin intii aan golihii laga kicin ayaa wuxuu tiriyey gabay uu ku yidhi:

|
|
Maalin ka mid ah kuwii Cilmi ugu dhibaatada badnaa waxaa loo sheegay in Hodan iyo ninkii soo doo ney ay is aroosayaan. Wakaas Cilmi dhayal iyo dheel-dheel buu u qaatay. Waxaa ku sii batay wel w elkii iyo walaahowgii uu awalba la murugsanaa, waxaana weerar ku soo qaaday tiiraanyo xanuun keedu si daran qalbigiisa u lulay. Wuxuu wareerkii ku sii batay markii ay hugunkii iyo mashxaraddii arooska loogu dabbaaldegey iyo heesihii cayaaraha hiddaha iyo dhaqanku ay dhegihiisa si toos ah ugu soo dheceen.
Muddo yar kaddib Cilmi Boodhari guurtidii waxay u dooneen gabadh carab ahayd oo la ohan jirey Fa akhir. Arooskii Cilmi waa la qalqalay, guri baa la dadbay oo la qurxiyey, xoolaa loo gawracay, dhallin yaraa u cayaartay. Carab oo cadceedda u ekayd oo qiimaheeda iyo qaayaheeda la yaabay baa aqal loogu dalaq siiyey. Hase yeeshee Cilmi kama uu reysan cudurkii hayay. Hodan mooyee hadal kale w aa laga waayay. Damaciisu gabadhii oorida u noqotay waa uu dhaafay. Taasina waxay keentay in Faakhir laga furay. Wixii intaa ka dambeeyey Cilmi jirradii ayaa kuu sii batay. Hurdadii ayuu gebi’ah aanba ka haajirey, cuntadiina way ka degi weydey, hadalkiiba wuu yaraaday. Maalinba maalinta ka dambeysa wuu ka sii dareyey ilaa uu socodkii gabay.
Maalin ka mid ah maalmihii uu Cilmi sariirta saarnaa ayaa wuxuu ka maqlay saaxiibbadii in Hodan iyo ninkeedii ay u guureen magaalo kale. Isagoo ay tiiraanyo xoog lihi ka muuqaato ayuu soo kuududsaday oo tiriyey gabay uu ku yihi:

|
|
Nin wedkii galay looma taag helo, baa la yidhi. Cilmi ehelladiisii wax kasta oo da awo u noqon kara way isku deyeen. Meel kasta way u cid direen. Fal kasta oo daawo laga raadiyo way tijaabiyeen. Nasiibdarrase, Cilmi xaaladdiisii waxay ga adhay meel aan ka soo noqosho lahayn. Xataa in la geddi yo mooyee wuu is ro gi kari waayay. Miyirkiisaa ka tegey. Naftii baa qaarka dambe ka soo xawaa raysay. Goor waagu uusan si fiican u beryin buu ka guurey adduunyadii uu tod doba iyo soddon sano ku noolaa e iyadoo u macaan uu jacaylku khadhaadiyey.
Alle ayaa Mahadle

|
Mohamed Hassan Xaleef |




del.icio.us
Digg
Post your comment