Jawiil Online News: Buugagta afka Somaliga Maxaa looga waayay Suuqyada Wadanka ???? Buugagta afka Somaliga Maxaa looga waayay Suuqyada Wadanka ???? ================================================================================ farah on 13/09/2011 23:19:00 14/09/2011 Waxaan suuqyada ku arkaa buugaag sheekooyin englishka ah ee novels-ka loo yaqaano oo farabadan, halka kuwa Soomaaliga ah aan la helin marka aad ku dhex wareegto suuqayada lagu iibiyo buugaagta sida kuwo book shops ka iyo kuwo kale ee ku caan baxay bandhigada buugaagta . Mar aan mid ka mid ah dadka buugaagta ka keena wadama deriska iyo waliba kuwo shisheeye ayaan waxaan wax ka waydiiyey sabata ay buugaagta somaliyed looga waayey book shops ka halka kuwo novels iyo kuwo kale fara badan ay dhoobanyihiin meel walba oo aad ka raadiso buugaagtaas . Cali maxamed xuseen waa milkiilaha Book shop caalamiga ah ee Al-Hidaaya oo si wayn looga yaqaano somaliya waxa uu ii sheegay in uu mar walba isku dayo inuu keeno buugaag somaliyed oo ka shakeeya wayihii hore ee somaliya iyo marxalada hada balse aysan jirin cid isku xilqaantay daboolida sumcada somaliya ee xaga buugaagta ha ahaado kuwo fanka ka sheekeye ama kuwo taariikhda ka sheekeeye. waxa u intaas ku daray in marar ka qaar ay dhacaan in buugaag somaliyed la helo oo la waayo dad gata Cali waxa uu ii sheegay in maalin maalmaha ka mid ah hadal aan maskaxdiisa ka go'ayna ay ku dhahday gabar somaliyed waxa uu ii sheegay in gabadhaas ay waydiisay buug ka sheekeenaya taariikhda USA waxa aan u sheegay in aan hayo buugaagta kala ah : " Sooyaalka Somaliya , Ayaan daran , Somali ma carabaa mise waa african , Taariikhda SYL , ku baro dalkaga hooyo 30 daqiiqo " Intaas markaan maraayo ayey i tiri " War ani waxba somaliya ha ii xayeysiin ee USA wax ka sheeg waxba afka yuusan ku daalin eee " waxay igu noqotay arin cajiib ah ana waxaan idhi USA uma dhashan somaliya ayaan u dhashtay aniga . Hadaba aqristow maxay kula tahay fikrada ay gabdhaas qabto ?? Adigusu muxuu yahay Fekerkaaga? Falan fikirkaaga noogu soo hagaaji Emailka hoos ku qoran Abdi Aziiz Abdi Haashi Nuur Email : ugaashaashi@gmail.com Somalia - Mogadishu