Jawiil Online News: Faafhaahin dheeri ah oo ka soo baxaya khaasaaraha ka dhashay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho Faafhaahin dheeri ah oo ka soo baxaya khaasaaraha ka dhashay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ================================================================================ farah on 05/10/2011 10:03:00 Faafhaahin dheeri ah oo ka soo baxaya khaasaaraha ka dhashay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. (In ka badan 40-ruux oo qaraxaasi u geeriyootay) Waxaaa soo baxay faahfaahin ku saabsan qaraxii ismniidaaminta ahaa ee maanta lala beegsaday Ex-xaruntii wakaalada Hargaha iyo Saamaha, halkaasoo xafiisyo ay u ahaaayeen todoba wasaaradood oo ka tirsan wasaaradaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya. Gaari UD ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kuna rarnaayeen Biro Scarab ah ayaa gudaha u galay, kadib markii dad naftood hurayaal ah ay jireen ilaalada hore ee xaruntaasi, iyadoo qaraxaasi uu ahaa mid aad u xoog badan oo laga maqlaayay xaafadaha Muqdisho. Xaruntaasi waxaa ku sugnaa xiligaasi arday imtixaanaad looga qaadi lahaa dalka Turkiga, iyadoo ardaydaasi qaar ka mid ah ku dhinteen qarxaasi, iyadoo qaraxaasi uuasan magaalada Muqdisho ka dhicin mid la mid ah. Dhinaca kale oo goog jooge ah ayaa isna asheegay inuu arkay meydadka 20 ruux oo daadsanaa albaabka xaruntaas iyo goobaha ku dhow, kuwaasoo iskugu jira askartii ilaalada ka aheyd, haween shaah ku iibinayey halkaas , dad wadada iska marayey iy qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradaha, isagoo tilmaamay in dadka qaar jirkooda uu googo’ay, uuna ku milmay dhiig hallkaasi qulquluyey, waxaaana uu xusay in goobta laga daad gureeyey dad dhaawac ah oo aad u fara badan. Ilaaa hadda lama soo sheegin masuuliyiin ka tirsan xukumada KMG Somalia oo waxyeelo ay ka soo gaartay qaraxaasi ismiidaamina ah, marka laga reebo agaasmimaha wasaarada shaqada iyo shaqalaha ee xukuumada Soomaaliya Aweys Shiikh Xadaad oo dhaawac fudud uu ka soo qaaray qaraxaasi sida wararku ay nagu soo gaarayaaan, iyadoo faahfaahinta qaraxaasina ay weli iska soo daba dhacayso wararka ku saabsan. Xigasho: www.somaliweyn.com