Jawiil Online News: Kuala Lumpur ee dalka Malaysia oo maanta aas-wanaagsan loogu sameeyay wariyihii la-dillay “Daawo Sawirada” Kuala Lumpur ee dalka Malaysia oo maanta aas-wanaagsan loogu sameeyay wariyihii la-dillay “Daawo Sawirada” ================================================================================ farah on 04/09/2011 15:51:00 Allaha u naxariistee waxaa maanta duleedka magaaladda Kuala Lumpur ee Subang ee dalka Malaysia lagu aasay Wariye Noramfeisul Mohd Nur, oo Jimcihii Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom ay ku dilleen magaaladda Muqdisho. Aaska Wariye Noramfeisul Mohd Nur ayaa waxaa ka soo qeyb gallay qoyskii, Qaraabadii, qeybo ka mid ah bulshada reer Malaysia iyo asxaabtiisii gaarka ahayd, isla-markaana waxaa Salaadda Janaasadda ku tukaday Raa’isal Wasaaraha wadanka Malaysia Mr Najib Razak. Guud ahaan ka soo qeyb gallayaasha aaska Wariye Noramfeisul Mohd Nur, ayaa waxaa laga dheehan karay sida xoogga leh ee ay uga walaacsan yihiin, waxaana dadka qaarkood laga dheehan karay sida ay ugu faraxsan yahay, ka soo qeyb-galka aaska wariyahaan oo uu Raa’isal Wasaaraha dalka Malaysia ku sifeeyay mid "Geesi Qaran ah”. Raa’isal Wasaaraha wadanka Malaysia Mr Najib Razak, ayaa wuxuu guud ahaan shacabka reer Malaysia uu ugu baaqay inay u duceeyaan Allaha u naxariistee Noramfeisul Mohd Nur, isla-markaana wuxuu sheegay inay xusi doonto taariikhda. Xilligii Salaadda Janaasadda lagu tukanaayay ayaa waxaa dusha looga dahaaray Calamada wadamada Somalilya iyo Malaysia, taasoo muujineysa in uu dalka Malaysia kaga maqnaa hawlo qaran, waana taas midda uu Raa’isal Wasaare Najib Razak, uu u sheegay in uu yahay “Geesi Qaran”. Madasha uu ka dhacay aaskaan ayaa waxaa ka soo dhex muuqday, ehelada marxuumka geeriyooday, waxaana laga xusi karaa hooyadii, aabihii, xaaskii uu qabay iyo laba caruur ah oo ay u dhashay. Kasoo qeyb gallayaasha aaskaan ayaa waxay u sameeyeen duco balaaran, waxayna usameeyeen dhawr daqiiqood oo ay u akhrinayeen Qur’aan iyo Duco, isla-markaana inta aan la-aasin kahor ayaa waxaa dhabanada ka dhunkatay hooyadii, iyadoo ugu dambeena biyo dusha kaga shubtay markii la-aasay. Raa'isal Wasaare Najib Razak oo Janaasadda dhinac kaga tukanaaya Raa'isal Wasaare Najib Razak oo u duceynaaya marxuumka Raa'isal Wasaaraha oo meydka wariyaha eegaaya Hooyo Naemah Abd Majid oo wiilkeeda dhabanada ka dhunkaneysa Hooyo Naemah Abd Majid oo wiilkeeda dhabanada ka dhunkaneysa Marwo Norazrina Jaafar iyo caruurta ay u dhashay wariyaha geeriyooday Hooyo Naemah Abd Majid oo qabriga wiilkeeda biyo ku dul shubeysa Qoyskii Qarabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay oo u duceyneysa Xigasho: Dhacdonews