GALBISKA WAA GALAB CASAR AH!!
Saturday, May 21, 2011
Magaalada Muqdisho oo ah magaalo si aad ah loogu yaqaano Dhimashada, dhaawaca iyo dagaalada qatarta ah, Duqeymaha is daba jooga, geerida lama filaanka, Dhimashadda dhow oo deg deg ah, ayaa hadana taas iyadoo jirto waxaa si xowli ah u socda Aroosyada kaasoo aad moodo in kuwa is guursanaya badaniyaan umadda Soomaaliyeed oo kii dhintaba badalkiisa soo dhalanayo.
Hadaba waxaan jeclahay aqristoow inaan qormadeydan kusoo gudbiyo sida uu yahay Galbiska Maanta & Guurka Deg dega ah Magaalada Muqdisho,
Waxaan shaki ku jirin in uu qof kasta oo Soomaaliyeed garan karo Erayga {GALBIS} kaasoo ah caadada Soomaalida in gabar hadii la guursado loo gal biyo gurigeeda cusub si ay u noqoto Hooyo Cusub oo reerkeeda dhaqata hadiiba illaahey Haleeshiiya mid ay is calmadeen oo Meher xallaal ah la galo ka dibna si maqsuud laga wada yahay loogu guri geeyaa haduu kasoo baxo waajibaadka guurka dhaqanka Soomaalida.
Muqdisho hadaad joogto waxaad arkeysaa Todobaad walbo si joogta ah in uu u dhacayo Aroos cusub oo la galbinayo, kaasoo aad arkeyso Baabuuro aad u qur qurux badan oo laamiga saf dheer ah ugu taxan kuwaasoo saaran dad la qaraabo ah Labada is Guursanayso kuwaas oo ka qeyb qaadanaya Xaflada Arooska Maalintaas dhacaysa (XIDIGTA & XIDIGA) iyagoo ku dhawaqayo “waa gabar fiyoore fiiriya waa Wiil Fiyoore Fiiriya” iyo erayo kale oo ah “Iskaabulo Iridaa ku ooy” oo ay ku dhiiro gelinayaan Caruuska iyo Caruusada iyagoo ugu gon leh dhan ka kale in ay ku kiciyaan kuwa hada u diyaar garoobaya in ay aqal galaan.
Wey jiraan Aroosyo si hoose u dhaca oo Gawaari aan badneen si aan buuq laheyn wadada u mara balse ma badna.
Maalin walbo oo Qamiis ah Habeenka Jimcaha soo galayo ayaa lagu soo beegaa dhamaan Aroosyada ka dhaca Magaalada Muqdisho, ma garan karo sababta loogu soo beego Jimcaha balse waa maalinta Firaaqada oo badanaa shaqada laga nasto, laakiin Layaab kuse waxa uu yahay in Galbiska uu yahay Galab casar ah kaasoo aad arkeyso in galab dheer la guri geenayo gabadha Aroosada gurigeeda!!!! Iyadoo la marsiinayo hal laami oo dhowr mar lagu soo laa laabanayo, ka dibna inta aysan cad cadeedu dhicin oo xili galab ah la geeyo!!!.
Waagii hore oo ay Muqdisho Muqdishoow aheyd goormaa la geyn jiray Aroosyada!!?? Dhalinta da’da yar badanaa Su’aashaas kama jawaabi karaan balse waxaa la ii sheegay in habeen xili danbe la geeyn jiray sida loo soo wareejinayo dhamaan deg mooyinka magaalada dhan (Cajiib) hadana ha sheegin xitaa deg madii dhexdeeda ayaa laga baqanayaa Alloow Alle.!!
Aroosyadan ayaa inta badan waxaa u badan nimanka shirkadaha ka shaqeeya oo naagaha sida Dharka oo kale isaga badala kuwaasoo aan waxba u arkin la aqal galka gabdhaha iyagoo toosh ku raadiya gabdhaha Muuqaalka qurxoon leh iyagoo ku raaca dhal dhallaalka maalmo ka dibna haduu u bogi waayo sidaa kusoo furo isagoo aan u aabo yeeleynin xita iyadoo Dhowr ilmo dhashay, ama xitaa iyadoo Uur leh.
Ma diidi karo inuu jiro calaf oo uu marka uu dhamaado wada noolaashaha Lamaanaha kala tagi karaan laakiin Tan ragan ayaa ka duwan calaf dhamaaday, waayo iyagoo gabadha waqtiga adag lasoo martay in badan lasoo nooleeyd ayuu arkayaa mid kale oo xoogaa ka dhisan tan uu qabo hadana sidaas ugu tuuranayaa iyadana wax ay ka naxeyso majiraan iyadoo aan wax sharuud ah ku xirin Diyaar ku tiraahdaa saas hadana guur cusub tii horena maqashaa oo sidaa Buuq ku dhashaa ka dibna sidaas lagu kala tagaa qoyskii hore ee dhisnaa.
Wey jiraan niman si aad ah u tex geliya Haweenkooda isla markaana illaaliya xaquuqaha hadii ay dhacdana inuu damco mid kale illeeyn Afaraa Alle u baneeyaye si Asluub leh oo raganimo wax ku kala dabaraa isagoo illaalinaya labada dhinac xaquuqdooda, Hadii lacala ay maseertana tan kale si hoose oo macquul ah ku xaliyaa isagoo aan wax dhib ah u geesan ama aan maroor dilaacinin tii hore.
Muqdisho waxaa aad ugu sii badanaya Gabdhaha garoobada oo weliba si aad ah u da’yar iyagoo xitaa aad arkeyso in ay laba canug ama ka badan Xambaarsan tahay iyadoo ilmo ah oo (Teen-age) ah ama aanan gaarin labaatan Sano, taasina waa ayaan daro mana haboona nimanka Jeebka buuran iney Hablaha Soomaaliyeed Sida u galaan.
Garoobadda Magaalada Muqdisho ayaa loo qeybiyaa laba qeybood kuwaasoo kala ah Garoobo Dhaqaalo haysta iyo kuwa Iska dan yar, kuwa miskiinta ah oo ilmaha lagu furay ma jirto wax camal ah oo ay taqaano si ay ilmaheeda ugu hor mariso noloshooda, bilkastana waxaad arkeysaa iyadoo raadineysa ninkii ilmaha ka dhalay oo ay raadineyso Canuga Caanihiisa!! Mana sahlana sidii ay ku heli laheyd ku kale waayo nimanka Muqdisho ma awoodan canug aysan dhalin caanihiisa xitaa qaar kood naagaha ayaa biila haduusan kuwa shirkadaha ka shaqeeya ama Dibada laga soo biilo aheyn.
Kuwa dhaqaalaha leh garoobada waa kuwa sida aad ah ay dhalinta safka ugu jiraan iyagoo ku tar tarama sidii ay u heli lahaayeen balse Sharuud ayaa ag taala oo ma sahlana sidii lagu heli lahaa gabar Garoob ah oo dhaqaaleysan, hadaba maxey tahay Sharuuda?
-Garoobaha dhaqaalaha leh inta badan waa ganacsato haysta lacag uu nin hore kaga dhintay ama mid ay iyaga si milkiyad ah u leeyihiin, gabadhan garoobka ah oo hadana dhaqaalaha leh inta badan aad ayeey u Kibir badan yihiin oo xitaa nimanka shirkadaha ka shaqeeya oo dhaqaalaha leh wey yasaan oo wey iskala weyn yihiin taa badal keeda waxa ay iyagana baadigoob ugu jiraan Raga Tabarta yar oo aan dhaqaalaha haysan balse iska Nuurayaa hadii la caawiyo, sharuudaha ay ku xiraana waxaa ka mid ah.
? Ninku waa inuusan balwad laheyn.
? Waa inuusan naag danbe la hadleynin.
? Waa in uu qaraabadiisa oo dhan gooyaa.
? Waa in uu si sharuud la,aan ah gurigeeda usoo dagaa marka ay guursato ka dib.
? Waa inuusan ninka guriga ka bixin illaa in iyadda wax u dirsato mooyaane.
? Waa inuu daacad u noqdaa, oo uusan waxba ka qarin.
? Waa inuusan ficlin Ilmaha ay hore usoo dhashay.
Waa hore raga waxa ay dhihi jireen illaahow Garoob gabar wadata wax noogu dar oo si aad ah ayaa loo raadin jiray garoob gabar wadata, balse maanta waxa ay ku duceystaan dhalinta Muqdisho, Alloow Garoob dhaqaale leh wax noogu dar iyagoo aan shuruudahan buuxinteeda waxba u arkin.
Muqdisho isbadal xoog leh ayaa ka dhacay oo saameyn weyn ku yeeshay dhankii bulshada, intee laga arki jiray gabar iyada ku guursanaysa, Intee laga arkay Gabar, Shauruud lagama gudbaan ah ku xireysa guurkeeda, Allow Sahal Amuura, balse wax walba waa calaf, Hadii uu intaasi buuxiyo ninka soo hunguriyeeya Garoobada dhaqaalaha leh, si wanaagsan ayey usoo dhoweynayaan oo ay hantida dhan gacanta ka saaraysaa!!!.
Ugu danbeyntii waxaan si naxariis leh ugu codsanayaa dhamaan dhalinta Soomaaliyeed si loo illaaliya xuquuqda haweenkan yar in gabdhaha furiinkooda aan lagu deg deign, dhanka kale gabadha iyagana ha illaliyaan wax walba oo iska hor imaad keeni kara si dhibaatada u yaraato,
Garoobaha dhaqaalaha lahow idinkana raga Canaadka ka daaya Xaalada waa is badaleysaa saan lama ahaanayo oo dhaqankan waa laga gudbayaa.
W/D :- Qoraa Sare ahna Saxafi Soomaaliyeed Asad Abukar Cali ( Asad Yare)
Cidii wax ka qabta qormadan dhaliil iyo bogaadinba fadlan la xiriir qoraaga qormadan E-mail asadyarencc@hotmail.com warkahoo@gmail.com
Xigasho: Falaar.com
sawir Xul ah
Shiikha oo Salaantii Nikaaxa u galiyey gacanta Inanka lagu nikaaxayo gabadha



del.icio.us
Digg
Post your comment