Allaha u naxariistee Taariikh Nololeedkii Dr Maxamed Aadam Abdulle Osman.
Jimco, 18 march 2011
Alle ha u naxariistee, Dr. Mohamed Adan Abdulle Osman, wuxuu ku dhashay sannadkii 1941kii Degaan beereedka Shalaanbood oo hoos tagta Degmada Marka. Wuxuu ku barbaaray, wax ku bartay, (Tacliintiisa aasaasiga ah), ku shaqeeyay, kuna guursaday magaalada Mogadiscio.
1965 - Wuxuu ku qalinjibiyay, Cilmiga Dhaqaalaha Ganacsiga, Jaamacadda Roma, Italia
1965-71 - Wuxuu ka soo shaqeeyay, xilal kala duwana ka soo qabtay, Bankigii Dhexe ee Somalia
1967-69 - Isagoo ka tirsan Bankiga Dhexe Somalia, Wuxuu ku soo qaatay, Frankfurter, Germanay, tababaro iyo waxbarasho sare ee culuunta Dhaqaalaha, taasoo u fidisay hey'adda, "Federal Reserve of Deutsche Bank".
1971-72 - Wuxuu Harvard University ka qaatay Shahaadda Masterka, Isagoo MPA ku soo qaatay culuunta maamulka iyo maareynta.
1985 - Wuxuu ka qaaday Shahaadda Doktoraadka, PHD, Boston University, isaga oo ku taqasusay culuunta Dhaqaalaha.
1986-94 - Wuxuu u Shaqeeyay, xilal kala duwanna ka soo qabtay, Islamic Development Bank, ee xaruntiisa tahay Jeddah, Boqortooyada Sacuudiga.
1994-2011 - Xannuuno soo foodsaaay daraatood, wuxuu awoodi waayay inuu sii wado howlihii Bankiga
Warbaahinta JAwiil



del.icio.us
Digg
Post your comment