Xildhibaanka oo lagu magacaabo Maxamed Cali Jibriil (Daqarre) ayaa xalay fiidnimadii kooxo bastoolado ku hubeysan ay ku dhawaaceen meel lagu qaxweeyo oo uu markaas ku sugnaa dhaawacaas oo ahaa mid halis ah ayaa ka dibna la sheegay in uu xildhibaanku u geeriyooday. Kooxihii dilka geystay ayaa markiiba baxsaday falkaasoo ah mid in badan ka socday waddanka Soomaaliya gaar ahaan gobollada koofureed si aad ahna xilligan ugu faafay gobollada bari ee waddanka. Xildhibaanka ayaa la sheegayaa in dhaawacu uu madaxa ka haleelay kaasoo halis ahaa ka dibna uu u geeriyooday. waa xildhibaankii labaad ee muddo bil bar gudaheeda ah lagu dilo Puntland. Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Jawiil.com.