Amin Arts.com
Aayaha.com
Axadle.com
Bartamaha.com
Banaadir.org
Bilaajo.com
Cadaado.com
Ceelbuur online
Calanka.com
Dayniile.com

Dtowing.ca

Dalkanews.com
Dadkeyga.com
Jowhar

Jawiilonline.com
galkaio.com
Halgan.Net
Hiiraan.com

mudulood.com
ILa Qosal.com
Markacadey.net

Qaranka.com
Qaadisiya.com
Qaranimo.com
Shabelle.net

Somalisc.com

Soomaalinews.com
Xamardaye.com

 

 



 

 

Pictures | Riwaayad |

Tiro dad ah oo lagala baxay hoteello ku yaalla xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi

Category »  NewsMonday, January 18, 2010
Comments   |   Print   |   Mail it
Ciidammadu waxay galeen hoteello ay deggan yihiin dad Soomaali ah oo intooda badan ka yimid qurbaha sida Europe iyo Waqooyiga Ameerica. Ciidammadu waxay si aan kala sooc lahayn u kaxaysteen dhammaan dadkii hoteellada ku jiray ha ahaadeen kuwo Baasaboorro reer galbeed wata ama xildhibaanno ka tirsan dowladda Soomaaliya. Hawlgalkaan ayaa daba socda mudaaharaadkii aan fekerka ku dhisneyn ee ka dhacay masjidka ugu weyn Nairobi ee ku yaalla bartamaha magaalada Nairobi halkaasoo ay dhallinyaro isugu jira Kenyatti iyo kuwo Soomaali ah gafuurka soo duubteen ka dibna meesha mudaaharaadka ka lulayey calanka madow ee lagu yaqaanno kooxaha Soomaaliya takhriibka ka wada. Waxaa kale oo dhibaatada dadka reer Islii la soo gudboonaatay sababay ka dib markii uu dhintay askari ka mid ah askartii mudaaharaadka lagula diriray taasoo inta badan kicisay shucuurta dadka reer Kenya oo hadda uu galay dareen ah in dadka Soomaaliyeed ay dhammaantood taageersan yihiin kooxda calanka madow sidata. Waxaa maanta dareen aad culus iyo cabsi aan la soo koobi karin ay ka jirtaan xaafadda Islii ee Soomaali fara badan oo qaxooti ah ay ku nool yihiin ka dib qafaalkii xalay ka dhacay qaybo ka mid ah xaafaddaas iyo iyadoo ilaa iyo maanta xaafadaha qaarkood ay ciidamadu ku jireen. Walbahaarkan haya dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi la garan maayo meel uu saldhigan doono iyo waxa xigi doono maadaama dad wax ma garato ah ay abuureen xaalad aan la saadaalin karaynin. 

Powered by Jawiil

 

 

Contact Web Master: webmaster@jawiil.com